Israa’iil oo carqaladeysay gargaarkii Gaza xili ay jirto xabbad-joojin

Image

NEW YORK — Qaramada Midoobay ayaa Isniintii shalay sheegtay in maamulka Israa’iil uu hor istaagay ama dib-u-dhac ku sameeyey ku dhowaad kala bar dhaqdhaqaaqyadii gargaarka bini’aadannimo ee loo qorsheeyey Marinka Gaza, xilli ay jirto xabbad-joojin lagu doonayey in lagu yareeyo colaadda halkaasi ka socotay.

Afhayeenka QM, Stephane Dujarric, oo soo xiganaya United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA), ayaa sheegay in hawlgallada gargaarka ay weli wajahayaan “caqabadaha waaweyn” oo ka jira marinada iyo gudaha Gaza.

Sida uu sheegay Dujarric, shixnadaha ka yimaada Urdun waxaa lagu qasbaa waddo ay alaabtu marar badan uga degto gaadiid kala duwan, taas oo keenaysa dib-u-dhac weyn. Sidoo kale, alaabaha ka yimaada Masar ee soo mara marinka Kerem Shalom (Karem Abu Salem) ayaa la kulmay heer celis sare, iyadoo wax ka yar 60 boqolkiiba shixnadihii u dhaxeeyay 4 ilaa 10 Febraayo loo oggolaaday in laga dejiyo goobta koontaroolka.

Gudaha Gaza, dhaqdhaqaaqyada u baahan isku-duwidda ciidamada Israa’iil ayaa iyaguna la kulmaya caqabado. Intii u dhaxaysay 6 ilaa 11 Febraayo, ku dhowaad 50 hawlgallo gargaar ah ayaa la qorsheeyey, balse wax yar ka badan kala bar ayaa si buuxda loo fududeeyey. Shan codsi ayaa si toos ah loo diiday, halka 11 kale oo la oggolaaday ay la kulmeen dib-u-dhacyo iyo xannibaado kale. Isniintii oo keliya, laba codsi oo kale ayaa la diiday.

In kasta oo xabbad-joojin uu Mareykanku taageeray ay dhaqan gashay 10-kii Oktoobar si loo joojiyo dagaalka, haddana khasaaraha ayaa sii socda. Tan iyo Oktoobar 2023, in ka badan 72,000 oo qof — badankood haween iyo carruur — ayaa la sheegay inay ku dhinteen, halka ku dhowaad 171,000 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka Gaza. Tan iyo markii xabbad-joojintu dhaqan gashay, wasaaradda caafimaadka Gaza waxay sheegtay in 603 Falastiiniyiin ah la dilay halka 1,618 kalena la dhaawacay.

“Kooxaha QM ee jooga gudaha waxay sii wadaan wada-hadallada ay la leeyihiin Israa’iil si loo caddeeyo caqabadahan loona helo xal waara oo lagu hubinayo in gargaarku si habsami leh u socdo,” ayuu yiri Dujarric.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM