Israa'iil oo duqeyn ay ka fulisay Daanta Galbeed ku dishay saddex qof

Image
Weerarka cirka ah ayaa ka dhacay xerada qaxootiga ee Jenin, waxaana lagu gubay gaariga.

DOOXA, Qadar - Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ayaa duqeeyay gaari marayay waqooyiga daanta galbeed, iyadoo ay sii kordhayso weerarada ka dhanka ah dhulka la haysto ee Falastiin.

Wakaaladda wararka afka dheer ee Falastiiniyiinta ee magaceeda loosoo gaabiyo WAFA ayaa sheegtay in saddex qof lagu dilay gelinkii dambe ee Arbacadii weerarka.

Weerarka cirka ah ayaa ka dhacay xerada qaxootiga ee Jenin, waxaana lagu gubay gaariga, sida uu muujinayo muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada.

War qoraal ah oo ay soo saareen militariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in ay “aqoonsadeen unug argagixiso oo ku dhex jiray gaari laga shakiyey ayna toogasho ku dileen meel ku dhow magaalada Jalamah”.

Jalamah, oo ku taal cirifka waqooyi ee Daanta Galbeed ee la haysto, ayaa dhowr kiilo mitir u jirta Jenin halkaas oo weerar ay Israa'iil ku dishay 7 falastiiniyiin ah Isniintii.

Tel Aviv ayaa sheegtay in shaqsiyaadka la beegsadey ay mas'uul ka ahaayeen dhowr weerar oo toogasho ah oo lagu qaaday deegaannada Yahuudda. Dadka gaariga la socday ayaan la ogeyn waxa ay yihiin.

Duulaanka dhifka ah ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka dhacay Daanta Galbeed ee la haysto ayaa calaamad u ah kor u kaca ololaha joogtada ah ee Israel ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta ee aagga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM