Israa'iil oo duqeyn ay ka fulisay Daanta Galbeed ku dishay saddex qof

Image
Weerarka cirka ah ayaa ka dhacay xerada qaxootiga ee Jenin, waxaana lagu gubay gaariga.

DOOXA, Qadar - Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ayaa duqeeyay gaari marayay waqooyiga daanta galbeed, iyadoo ay sii kordhayso weerarada ka dhanka ah dhulka la haysto ee Falastiin.

Wakaaladda wararka afka dheer ee Falastiiniyiinta ee magaceeda loosoo gaabiyo WAFA ayaa sheegtay in saddex qof lagu dilay gelinkii dambe ee Arbacadii weerarka.

Weerarka cirka ah ayaa ka dhacay xerada qaxootiga ee Jenin, waxaana lagu gubay gaariga, sida uu muujinayo muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada.

War qoraal ah oo ay soo saareen militariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in ay “aqoonsadeen unug argagixiso oo ku dhex jiray gaari laga shakiyey ayna toogasho ku dileen meel ku dhow magaalada Jalamah”.

Jalamah, oo ku taal cirifka waqooyi ee Daanta Galbeed ee la haysto, ayaa dhowr kiilo mitir u jirta Jenin halkaas oo weerar ay Israa'iil ku dishay 7 falastiiniyiin ah Isniintii.

Tel Aviv ayaa sheegtay in shaqsiyaadka la beegsadey ay mas'uul ka ahaayeen dhowr weerar oo toogasho ah oo lagu qaaday deegaannada Yahuudda. Dadka gaariga la socday ayaan la ogeyn waxa ay yihiin.

Duulaanka dhifka ah ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka dhacay Daanta Galbeed ee la haysto ayaa calaamad u ah kor u kaca ololaha joogtada ah ee Israel ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta ee aagga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM