Israa’iil oo duqeyn ku dishay Sarkaal sare oo ka tirsan militariga Iraan

Image
Iraan ayaa xaqiijisay Isniintii in Israa'iil ay bixin doonto qiimaha dilka sarkaalka.

DIMISHIQ (GO) - Warbaahinta Iraan ayaa sheegtay in Reza Mousavi oo ah taliye ka tirsanaa militariga ilaalada kacaanka Iraan, lagu dilay duqeyn ay Israa’iil la beegsatay deegaanka Sayyada Zeinab ee ku yaalla magaalada Dimishiq.

Wakaalladda Wararka Caalamiga ee Tasnim ayaa ku warantay, “Waxaa duulaanka ay Sahyuuniyiinta ku qaadeen deegaanka Sayyada Zeinab ku shahiiday Sayyed Reza Mousavi, oo ka mid ah la-taliyayaasha sare ee Ilaalada Kacaanka Iraan ee ka howlgala Suuriya.”

Reza Mousavi waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah la taliyayaashii ugu da'da weynaa ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iraan iyo mid ka mid ah dadkii uga dhowaa Qassem Soleimani.

Dhankeeda, Iraan ayaa xaqiijisay Isniintii in Israa'iil ay bixin doonto qiimaha dilka ay u geysatay la taliyihii hore ee militariga Iraan u qaabilsanaa Suuriya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM