Israa’iil oo hal maalin gudaheeda 100 qof ku dishay Gaza

Image
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) ayaa waxa uu u codeynaya qaraar qabyo ah oo lagu joojinayo dagaalka Gaza.

DOOXA, Qadar - Weerar ay Israa’iil fulisay Gaza ayaa lagu dilay "ku dhawaad ​​100" Falastiiniyiin ah, boqolaal kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.

Geesta kale, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) ayaa Arbacada maanta ah waxa uu u codeynaya qaraar qabyo ah oo lagu joojinayo dagaalka Gaza.

Dhanka kale, xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Malaysia, Anwar Ibrahim, ayaa sheegay in xayiraadda degdega ah ee lagu soo rogay shirkadda maraakiibta ee ZIM ay jawaab u tahay ficillada Israel ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta ee Gaza.

Bayaanka oo loo qeybiyay warbaahinta caalamiga ah iyo kuwa gudaha ayaa waxaa lagu sheegay in Israa’iil ay “xasuuq iyo naxariis darro” ku hayso Falastiiniyiinta.

Isla mar ahaantaana, Malaysiya ayaa sheegtay in ay sidoo kale go'aansatay in aysan aqbalin in maraakiib ka babanaya calanka Israel ay ku soo xirtaan dalkeeda.

Intaa waxaa dheer, xukuumadda Kuala Lumput aya waxay sidoo kale ku soo rogi doontaa "mamnuucista markab kasta oo u socda Israel inuu shixnad ku soo dejiyo dekedaha Malaysia."

GAROWE ONLINE

Related Articles

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM