Israa'iil oo "ka fekereysa" in ay saldhig ciidan ka hesho Somaliland

Image
Majalada Middle East Monitor ayaa warisay in Yahuuda ay si weyn isha ugu hayso maamulka.

HARGEYSA, Somaliland - Israa'iil ayaa danaynaysa inay saldhig milateri ka samaysato Somaliland si ay isha ugu hayso Yemen iyo marin-biyoodka Bab al-Mandab, sidda uu Salaasadii daabacay mareegaha Middle East Monitor ee dawladda Qatar maalgeliso.

Sida warbixintu sheegtay, Israa’iil ayaa saldhigaas ku badalaysaa in ay xiriir la samayn doonto Somaliland oo hoostagta Soomaaliya oo aan hadda Israa’iil aqoonsanayn.

Middle East Monitor waxa ay xustay in Somaliland ay juqraafi ahaan tahay mid istaraatiiji ah. Waxaa horey u gumeystay Boqortooyadda Ingriiska iyadda oo xuduud la leh Itoobiya, iyo Jabuuti.

Somaliland oo 1991-dii sheegatay in ay ka go'dey Soomaaliya ayaa aduunka wuxuu u aqoonsan yahay in ay tahay maamul goboleed hoostaga xukuumadda Muqdisho.

Somaliland waxay ku taal Gacanka Cadmeed iyo meel u dhow halka laga soo galo marin biyoodka Bab al-Mandab, halkaas oo ay maraan ku dhawaad ​​saddex meelood meel maraakiibta dunidu.

Somaliland waxa ay leedahay xeeb dhan 740 kilomitir oo ku teedsan gacanka cadmeed waxana ay door muhiim ah ka ciyaari kartaa ilaalinta marin biyoodka Bab al-Mandab iyo badda cas ee budhcad badeedda, argagixisada iyo tahriibka, ayay qortay Middle East Monitor.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM

Israel iyo Xuutiyiinta oo isweydaarsaday duqeymo cirka ah xilli xiisad ka jirto Badda Cas

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u amray weerarro waaweyn oo ka dhan ah Xuutiyiinta dalka Yemen.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 07:06AM