Israa’iil oo ku hanjabtay in ay duqeyn doonto Dimashaq iyo Al-assad

Image

QASSA - Ilo-wareedyo ka tirsan Israa’iil ayaa xaqiijisay in dawladda Israa’iil ay ugu hanjabtay Xisbullah inay duqayn doonto magaalada Dimishiq, isla markaana ay khatar gelin doonto madaxweynaha Suuriya haddii ay ku biiraan dagaalka ka socda Qassa..

Ilo-wareedyadan ayaa sheegay in maamulka Maraykanku uu Congress-ka ka codsanayo ogolaansho ah in uu awood u adeegsado Xisbullah haddii ay soo gasho dagaalka.

Ururka Xisbullah ee Lubnaan, oo ku jira liiska argagixisada Mareykanka, ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerar gantaallo iyo madaafiic lagu garaacay agagaarka Beeraha Shebaa, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Xisbiga taageersan Iran ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday Israa'iil "ay ku timid taageero ay u fidinayaan dadka Falastiiniyiinta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM