Israa’iil oo ku hanjabtay in caasimadda Lubnaan ay noqon doonto Qasa Labaad

Image

QASA (GO) - Wasiirka Difaaca Israa’iil Yoav Galant ayaa Sabtidii sheegay in Xisbullah ay ku dhowdahay in ay gasho khalad weyn isaga oo ula jeeda ku biirista dagaalka Qasa.

Wasiirka ayaa ku hanjabay in tani ay horseedi doonto in Beirut laga dhigo Qasa labaad.

“Waxaan halkan uga sheegayaa shacabka Lubnaan, waxa maaanta aragna reer Qasa oo taagaya Calanka Cad, kana dayriyay ficilada XMS. Waxaana ii muuqda in sidaas ay ka dhici doonto Lubnaan”.

Marka hore, waa muwaadiniinta Lubnaan, waxa aanu Gaza ka samaynayna waanu garanaynaa sida loogu celiyo Beirut.

Waxa uu intaasi ku daray: “Diyaaradaheenu waa diyaar marwalba, awoodda aan ku soo bandhignay Qasa waa 10% oo kaliya”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM