Israa’iil oo ku hanjabtay in caasimadda Lubnaan ay noqon doonto Qasa Labaad

Image

QASA (GO) - Wasiirka Difaaca Israa’iil Yoav Galant ayaa Sabtidii sheegay in Xisbullah ay ku dhowdahay in ay gasho khalad weyn isaga oo ula jeeda ku biirista dagaalka Qasa.

Wasiirka ayaa ku hanjabay in tani ay horseedi doonto in Beirut laga dhigo Qasa labaad.

“Waxaan halkan uga sheegayaa shacabka Lubnaan, waxa maaanta aragna reer Qasa oo taagaya Calanka Cad, kana dayriyay ficilada XMS. Waxaana ii muuqda in sidaas ay ka dhici doonto Lubnaan”.

Marka hore, waa muwaadiniinta Lubnaan, waxa aanu Gaza ka samaynayna waanu garanaynaa sida loogu celiyo Beirut.

Waxa uu intaasi ku daray: “Diyaaradaheenu waa diyaar marwalba, awoodda aan ku soo bandhignay Qasa waa 10% oo kaliya”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo hab cusub ku dhoofinaya shidaalka kadib cadaadiska Hormuz iyo Bab al-Mandab

Markab Sacuudigu leeyahay ayaa shidaalka kasoo qaada dekedaha Khaliijka, kadibna…

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 08:00AM

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM