Israa’iil oo la wareegi doonto Mas’uuliyadda amniga Qasa dagaalka ka dib

Image

QASA (GO) - Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa ku dhawaaqay in Israa'iil ay la wareegi doonto "mas'uuliyadda amniga guud" ee marinka Qasa, ka dib dagaalka ay hadda ku qaadayso Xamaas.

Netanyahu ayaa yiri: "Israa'iil waxay la wareegi doonta mas’uuliyadda amniga Qasa, ilaa muddo aan la cayimin.”

Isagoo ka jawaabaya su'aal ku saabsan cidda ay la rabaan in ay maamulaan Qasa dagaalka ka dib, Netanyahu wuxuu yiri, "Kuwa aan dooneynin inay ku sii socdaan waddada Xamaas."

Netanyahu ayaa carabka ku adkeeyay in aysan xabad joojin ka dhici doonin Marinka Qasa ilaa Xamaas ay sii deyso maxaabiista ay gacanta ku dhigtay ka dib dagaalkii 7dii Oct.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM

Thailand Oo Duqeyn Ka Fulisay Xuduuda Ay La Wadaagto Cambodia

Wasiirka Warfaafinta Cambodia, Neth Pheaktra, ayaa sheegay in dadka ku nool dhowr tuulo oo xuduuda u dhow la daad gureeyay.

  • Caalamka

    08-12-2025

  • 08:03AM