Israa'iil oo lagu taliyay in la saarey xayiraad dhanka hubka ah

Image
Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ayaa soo jeedisay.

NEW YORK, USA - Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ayaa soo jeedisay in "cunaqabatayn dhanka hubka" lagu soo rogo Israa'iil.

Mary Lawlor ayaa waxa ay sheegtay in talaabadan ay noqon karto jawaabta ugu haboon ee laga bixin karo duqeymaha aan joogsi hayan ee Yahuuda ku hayso Gaza ee go'doonsan.

"Waa in aan u ogolaano gargaarka bini'aadantinimo ee halkaas sidoo kale waa in la saaro cunaqabatayn hubka," ayay Mary Lawlor u sheegtay wakaalada wararka Anadolu.

Lawlor ayaa hadalkan tiri xilli ay ka hadlaysay xaalada deegaanka go'doomiyay, xadgudubyada xuquuqda iyo talaabooyinka ay tahay in dalalku qaadaan si ay u joojiyaan duqeymaha Israel.

"Aragtideyda, mid kasta oo ka mid ah dawladaha sii hurinaya colaaddan iyagoo hub siinaya Israa'iil waa inay joojiyaan sababtoo ah Israa'iil hadda wax macno ah ma aragto," ayay raacisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo u amray Waaxda Difaaca inay “si degdeg ah” u bilowdo tijaabinta hubka nukliyeerka

Ololaha Caalamiga ah ee lagu baabi’inayo Hubka Nukliyeerka ayaa Ruushka ku tirinaya inuu haysto hubka nukliyeerka ugu badan.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 09:42AM

Trump iyo Madaxweynaha Shiinaha oo kulan muhiim ah ku yeeshay South Korea

War kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay si qoto dheer uga wada hadleen khilaafaadka canshuuraha ganacsiga.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 05:34AM