Israa'iil oo lagu taliyay in la saarey xayiraad dhanka hubka ah

Image
Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ayaa soo jeedisay.

NEW YORK, USA - Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ayaa soo jeedisay in "cunaqabatayn dhanka hubka" lagu soo rogo Israa'iil.

Mary Lawlor ayaa waxa ay sheegtay in talaabadan ay noqon karto jawaabta ugu haboon ee laga bixin karo duqeymaha aan joogsi hayan ee Yahuuda ku hayso Gaza ee go'doonsan.

"Waa in aan u ogolaano gargaarka bini'aadantinimo ee halkaas sidoo kale waa in la saaro cunaqabatayn hubka," ayay Mary Lawlor u sheegtay wakaalada wararka Anadolu.

Lawlor ayaa hadalkan tiri xilli ay ka hadlaysay xaalada deegaanka go'doomiyay, xadgudubyada xuquuqda iyo talaabooyinka ay tahay in dalalku qaadaan si ay u joojiyaan duqeymaha Israel.

"Aragtideyda, mid kasta oo ka mid ah dawladaha sii hurinaya colaaddan iyagoo hub siinaya Israa'iil waa inay joojiyaan sababtoo ah Israa'iil hadda wax macno ah ma aragto," ayay raacisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Wadahadallada Iran way socdaan inkastoo diyaarad drone Iranian ah lasoo riday

Trump oo la hadlay wariyeyaasha Aqalka Cad ayaa sheegay in Washington ay “hada” la wadahadlayso Tehran.

  • Caalamka

    04-02-2026

  • 08:43AM

Diyaarad Dagaal Mareykanku Leeyahay oo Soo Ridday Drone Iran Laga Leeyahay

Afhayeen u hadlay CENTCOM, Kabtan Tim Hawkins, ayaa sheegay in drone-ku uu ku…

  • Caalamka

    03-02-2026

  • 06:33PM