Israa’iil oo looga digay inay duulaan ku qaaddo magaalada Rafah

Image
Dagaal walba oo ka dhaca Rafah wuxuu sii xumeynaya dhibaatada bini’aadantinimo ee ka jirta Qasa.

Qasa (GO) - Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Kamala Harris ayaa sheegtay in cawaaqib xumo ay la kulmi doonto Israa’iil haddii ay ku sii socoto qorashaheeda ku aadan in ay duulaan ku qaaddo magaalada Rafah.

Wareysi cusub oo ay siisay ABC News, Harris waxay ku tiri: "In badan ayaan cadeynay in howlgal kasta oo militari ah oo ka dhaca Rafah uu noqon doono qalad weyn. Waxaan aragnay khariidadaha, ma jirto meel dadka ku sugan Rafah ay gabaad ka dhigan karaan”.

Waxay sii raacisay: "Waxaan si cad u sheegnay in la dilay tiro aad u badan oo Falastiiniyiin ah oo aan waxba galabsan & in dadka Israa'iil iyo Falastiiniyiinta ay xaq u leeyihiin inay ku noolaadaan nabad iyo sharaf."

Dagaal walba oo ka dhaca magaalada Rafah ayaa sii xumeyn kara dhibaatada bini’aadantinimo ee ka jirta Marinka Qasa, maadaama magaalada ay tahay meesha ugu weyn ee laga soo galiyo cunno iyo sahayda caafimaad.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Israel iyo Xuutiyiinta oo isweydaarsaday duqeymo cirka ah xilli xiisad ka jirto Badda Cas

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u amray weerarro waaweyn oo ka dhan ah Xuutiyiinta dalka Yemen.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 07:06AM

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Elon Musk kadib markii uu dhisay xisbiga cusub ee "American Party"

Muranka ka dhashay miisaaniyadda qarashka dowladda ayaa sababay kala fogaansho weyn oo u dhexeeya Trump iyo Musk.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 05:49AM