Israa'iil oo qaadatay mas'uuliyadda dilka wariye Shireen

Image
Natiijadda baaritaan ayaa muujisay in toogashadda uu geystay askari ka tirsan milatariga Yahuuda.

TEL AVIV, Israel - Milateriga Israa’iil ayaa baaritaan kusoo gabagabeeyay in mid kamid askartooda ay u badan tahay in uu dilay Saxafiyadii Falastiini-Ameerikaanka ahayd ee Shireen Abu Aqla.

Weriyaha ruug-cadaaga ah ee ka tirsaneyd telefishinka reer Qadar ee Al-Jazeera ayaa madaxa laga toogtay iyadda oo ka warbixinaysay weerar ka dhacay Daanta Galbeed ee la haysto bishii May.

Waa markii ugu horeysay ee ciidamadda Yahuuda ay qirtaan in ay ka dambeeyeen toogashadda Shireen oo sababay cambaareyn iyo caro caalami ah isla markii uu falkaas dhacay.

Sarkaalka ugu sareeya dhanka sharciga ee ciidamada ayaa sidoo kale wuxuu meesha ka saaray in dambi baaris lagu sameeyo askarta ku lugta leh, isagoo si hufan u soo afjaray baaritaankii kiiska.

Qoyska Abu Caqla ayaa sheegay in aysan la yaabin in ciidamada Yahuuda oo isku dayaya in ay runta qariyaan oo ay ka fogaadaan mas’uuliyadda dilkeeda.

Abu Aqla ayaa 11-kii bishii May gaartey xerada qaxootiga ee Jenin si uu uga warbixiyo weerar ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen halkaas kadib markii ay isku dhaceen askar iyo maleeshiyaad falastiiniyiin ah.

Goobjoogeyaal iyo muuqaalo la helay ayaa muujiyey in Shireen ay xirneyd koofiyad iyo jaakad loogu talagalay in ay qaataan wariyeyaasha marka ay kasoo waramayaan goobaha colaadaha ba'an ay ka jiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ingiriiska oo joojiyay xiriirka ganacsiga Israel markii ay gargaarka u diiday Gaza

Britain ayaa sidoo kale cunaqabateyn cusub ku soo rogtay dad iyo kooxo samaynaya rabshado ka dhan ah Falastiiniyiinta ku sugan Daanta Galbeed. 

  • Caalamka

    20-05-2025

  • 02:48PM

Trump: Wadahadal “si aad ah u fiicnaa” baan Putin kala yeeshay Xabad-joojinta Ukraine 

Sidoo kale, Trump ayaa sheegay in Vatican-ka, oo uu matalayo Papa, uu muujiyay xiisaha uu u qabo martigelinta wadahadalada.

  • Caalamka

    20-05-2025

  • 05:21AM