Israa’iil oo qaadday mas’uuliyada dilka horjooge ka tirsanaa Xisbullaah

Image
Wissam Al-Tawil ayaa Isniintii lagu dilay duqayn ay Israa'iil la beegsatay gaarigiisa.

BEIRUT (GO) - Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil, Israa’iil Katz, ayaa xaqiijiyay in Tel Aviv ay ka dambeysay dilka hoggaamiyihii Xisbullah ee Wissam Al-Tawil, inkastoo dowladda Israa’iil aysan wali war rasmi ah u ka soo saarin.

Israel Katz ayaa ku sheegtay wareysi uu siiyay Channel 14: "Waxaan qaadnay mas'uuliyadda dilka taliyihii ciidamada Radwan ee ku dhintay weerarka aan ka fulinay koonfurta Lubnaan ."

Katz waxa uu intaa ku daray: "Tani waa qayb ka mid ah dagaalka, waxaanu waxyeelo u geysanaynaa xubnaha Hezbollah iyo nidaamyada ay u dejiyeen si ay u weeraraan Israa'iil.”

Wissam Al-Tawil ayaa Isniintii lagu dilay duqayn ay Israa'iil la beegsatay gaarigiisa magaalada Khirbet Salam, oo ku taal meel 11 KM u jirta xuduudka Israa'iil.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Qatar: Weerarka Doha waxaa sabab u ah fashilka Beesha Caalamka in lala xisaabtamo Netanyahu 

Qatar ayaa horey u xaqiijisay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Hamas iyo askari Qatari ah, iyadoo cambaareysay ficilkaasi ay Israel ka gaysatay.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:53AM

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM