Israa'iil oo Quddus ka musaafurineysa qareen u dhashay Falastiin

Image
Salah Hammouri oo xirnaa in ka badan sagaal bilood ayaa sidoo kale wuxuu haystaa dhalashada Faransiiska.

PARIS, France - Wasiirka arrimaha gudaha ee Israa’iil Ayelet Shaked ayaa amar ku bixiyay in la masaafuriyo qareenka u doodaya Falastiiniyiinta ee haysta dhalashada Faransiiska Salah Hammouri kaasoo laga tarxiilayo gurigiisa oo ku yaalla bariga magaalada Quddus ee la haysto, lana geynayo Faransiiska kaddib markii lagala noqdey degenaanshaha magaalada Qudus.

Hammouri oo heysta dhalashada Faransiiska ayaa u shaqeynayay kooxda xuquuqda falastiiniyiinta ee Addameer oo fadhigeedu yahay bariga Quddus ee la heysto.

Hay'adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty ayaa ku tilmaantay masaafurinta oo dhici doonta maalinta Axadda "isku day aan xishood lahayn oo Israa'iil ay ku doonayso inay ku aamusiso qof kasta oo u doodi kara qadiyadda Falastiin".

Sida uu dhigayo sharciga Israa’iil, wasiirka arrimaha gudaha waxa uu awood u leeyahay in uu kala noqdo degenaanshaha Falastiiniyiinta ku nool bariga Quddus ee la haysto.

Hammouri waxa uu xidhnaa muddo sagaal bilood ah iyada oo la raacayo siyaasadda xadhiga maamulka ee muranka badan dhalisay ee Israa’iil – taas oo u ogolaanaysa tuhmanayaasha in lagu hayo dacwad la’aan ama maxkamad lix bilood markiiba.

Waa la cusboonaysiin karaa si aan xad lahayn. Sharciga ayaa loo adeegsaday in ka badan 700 oo falastiiniyiin ah lagu hayo xabsiyada Israa’iil oo dhan.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa horay walaac uga muujiyay kiiska wuxuuna la wadaagay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Yair Lapid. Dowladda Faransiiska ayaa marar badan ku boorisay maamulka Israel inay sii daayaan Hammouri oo ay u ogolaadaan inuu kula noolaado qoyskiisa magaalada Qudus. Hase ahaatee, codsiyadaas ayaan waxba laga soo qaadin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM