Israa’iil oo shan sano xabsi ku xukuntay askari lagu helay inuu basaas u ahaa Iran

Image

TEL AVIV - Maxkamad ciidan oo Israa’iil ah ayaa shan sano oo xabsi ah ku xukuntay askari lagu helay inuu u basaasayay Iiraan intii uu socday dagaalkii u dhexeeyay labada dal bishii June 2025, sida lagu sheegay war ka soo baxay ciidamada Israa’iil.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in askariga lagu helay dambiga kadib baaritaan wadajir ah oo ay sameeyeen booliska militariga, booliska Israa’iil iyo hay’adda sirdoonka gudaha ee Shin Bet.

Sida bayaanka lagu sheegay, askariga ayaa qirtay inuu fuliyay hawlo basaasnimo oo uu u sameeyay Iiraan, taasoo keentay in maxkamadda militarigu ay ku xukunto shan sano oo xarig ah.

Mas’uuliyiinta Israa’iil ma shaacin aqoonsiga askariga ama faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xogta uu la wadaagay Iiraan. Dowladda Israa’iil ayaa muddooyinkii u dambeeyay sheegtay inay fashilisay dhowr shabakad oo ay ku eedeysay inay u shaqeynayeen sirdoonka Iiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doorashada Israa’iil: Natiijo aan weli caddayn iyo loollan ku saabsan dhismaha dowladda

Benjamin Netanyahu oo hadda u muuqda in laga adkaaday wuxuu ra’iisul wasaaraha Israa’iil soo noqday muddo ku dhow 19 sano guud ahaan.

  • Caalamka

    28-10-2026

  • 05:02AM

Jay Clayton: Iran waxay diyaarisay qorshayaal ay ku beegsanayso ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe

Warbixintan ayaa imaanaysa iyadoo hore loo soo tebiyay tallaabooyin amni oo la xiriira joogitaanka Mareykanka ee gobolka.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:45AM