Israa’iil oo sheegtay in ay Janno u badali doonto Qasa hadii ay ka saaraan waxa ay ku tilmaameen “Argagaxiso”

Image
Afhayeen u hadlay Israa’iil ayaa sheegay in Qasa ay isu beddeli karto Janno hadii laga ciribtiro argagixisada,

QASA (GO) - Afhayeen u hadlay xukuumadda Israa’iil oo lagu magacaabo Ofir Gendelman ayaa sheegay in Qasa ay isu beddeli karto Janno hadii laga ciribtiro ururada argagixisada, sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka ayaa sidoo kale ka digay in Beirut ay wajihi doonto masiirka Qasa haddii Xisbullah uu go’aansado in uu dagaal galo.

Gendelman ayaa yiri isaga oo la hadlaya dagaalyahanada Xamaas: “Waxaad haysataan laba ikhtiyaar: is dhiibid ama dhimasho.”

Waxa uu sidoo kale ku andacoodey in Xamaas ay sii waddo dhaca ay ka geysaneyso gargaarka loogu tala-galay dadka ku nool Marinka Qasa, wuxuuna yiri isaga oo la hadlayey shacabka Qasa: ”Hadii aysan Xamaas dagaalka qaadi laheyn, waxba kamay dhaceen Gaza, dhibaatooyinkiina oo dhan waxaa sabab u ah Xamaas."

Wuxuu intaas ku daray: "Dad badan oo u dhashay dalka Lubnaan oo aan rabin dagaal ayaa jira, balse ma aqbali doonno joogitaanka argagixisada ee xuduudaheena”.

Waxa uu tilmaamay in sii deynta dadka la qafaashay ay soo gaabin doonto muddada dagaalka, la’aanteedna ay sii Israa’iil sii wadi doonto tallaaba kasta oo lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM

Weerar lagu qaaday masaajid ku yaalla Pakistan oo dilay ugu yaraan 16 qof

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay afaafka masaajid ku dhex yaalla…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 11:52AM