Israa’iil oo sheegtay inay duqeyn doonto baabuur walba oo gargaar u sida Qassa

Image

QASSA - Ilaha warbaahinta Israa’iil ayaa tilmaamay in Israa’iil ay uga digtay Masar inay wax gargaar ah u soo dirto Qassa, waxayna ku hanjabtay inay beegsan doonto gargaar kasta.

Channel-ka 12-aad ee Israa’iil ayaa sheegay in Israa’iil ay ku wargelisay Masar in ay duqayn doonto baabuur kasta oo mucaawino u sidda Qassax oo mara marinka Rafah.

Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee gargaarka ayaa Masar kala hadlay sidii gargaar bini’aadantinimo loogu diri lahaa Marinka Qassa ee go’doonsan, iyadoo loo marayo Rafah, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday wakaaladda wararka ee AP.

Warbixintu waxa ay sheegtay in maamulka Masar ay la xiriireen Israa’iil iyo Maraykanka si loo sugo marinnada bini’aadantinimo ee Qassa xilli ay sii socdaan duqeymaha ay Israa’iil ka waddo Marinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM