Israa’iil oo shuruud ku xirtay Joojinta dagaalka Qasa

Image

QASA (GO) - Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa diiday baaqyada xabbad-joojinta ee Qasa ilaa ay Xamaas sii dayso dhammaan maxaabiista ay qafaasheen intii uu socday weerarkii 7-dii Oktoobar.

"Xabbad joojin ma jiri doonto haddii aan dib loo soo celin la maxabiista. Waxaan u sheegaynaa Codawga iyo saaxiibada Israa’iil, waan sii wadi doonnaa dagaalkan ilaa aan ka adkaanno."

Kumannaan Israa’iiliyiin ah ayaa dhawaan ka qayb-galay mudaaharaad ka dhacay afaafka hore ee guriga Netanyahu ee magaalada Qudus, iyagoo dalbanayay inuu si degdeg ah xilka uga dego.

Xamaas ayaa gacanta ku dhigtay in ka badan 200 oo qof intii uu socday weerarkii lama filaanka ahaa ee ay ku qaadeen Israa'iil 7-dii Oktoobar.

Ururka ayaa Sabtidii sheegay in tan iyo 7-dii Oct, duqeynta Israa’iil ee Qasa ay sababtay dhimashada in ka badan 60 maxbuus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo beenisay inay wada-xaajood ka dalbatay Mareykanka xili xiisad dagaal jirto

Tani ayaa ku soo beegmaysa kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu Talaadadii sheegay in “ciidan kale” uu ku sii socdo Iran.

  • Caalamka

    28-01-2026

  • 01:51PM

Spain oo Sharciyo siinaysa Nus Milyan Muhaajiriin Sharci-la’aan ah

Saiz waxay sheegtay in tallaabadan ay tahay mid lagama maarmaan u ah ka jawaabidda xaqiiqada ka jirta waddooyinka dalka.

  • Caalamka

    28-01-2026

  • 09:41AM