Israa’iil oo shuruud ku xirtay Joojinta dagaalka Qasa

Image

QASA (GO) - Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa diiday baaqyada xabbad-joojinta ee Qasa ilaa ay Xamaas sii dayso dhammaan maxaabiista ay qafaasheen intii uu socday weerarkii 7-dii Oktoobar.

"Xabbad joojin ma jiri doonto haddii aan dib loo soo celin la maxabiista. Waxaan u sheegaynaa Codawga iyo saaxiibada Israa’iil, waan sii wadi doonnaa dagaalkan ilaa aan ka adkaanno."

Kumannaan Israa’iiliyiin ah ayaa dhawaan ka qayb-galay mudaaharaad ka dhacay afaafka hore ee guriga Netanyahu ee magaalada Qudus, iyagoo dalbanayay inuu si degdeg ah xilka uga dego.

Xamaas ayaa gacanta ku dhigtay in ka badan 200 oo qof intii uu socday weerarkii lama filaanka ahaa ee ay ku qaadeen Israa'iil 7-dii Oktoobar.

Ururka ayaa Sabtidii sheegay in tan iyo 7-dii Oct, duqeynta Israa’iil ee Qasa ay sababtay dhimashada in ka badan 60 maxbuus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM