Israa'iil oo soo saartay amar ka dhan ah calanka Falastiiniyiinta

Image
Go’aankan ayaa imaanaya kadib markii lasii daayay maxbuuskii ugu mudada dheeraa Israa’iil, Karim Younis.

TEL AVIV, Israa'iil - Wasiirka amniga qaranka Israa’iil, Itamar Ben-Gvir, ayaa Axadii ku amray taliska booliska maamulkaas in calanka Falastiin laga mamnuuco goobaha caamka ah ee dadka ku kulmaan.

"Ma noqon karto in kuwa sharciga jebiya ay ruxayaan calanka argagixisada, kicinayaan oo ay dhiirigeliyaan argagixisada, sidaas darteed waxaan amar ku bixiyay in calamada taageeraya argagixisada laga saaro goobaha dadweynaha iyo in la joojiyo kicinta ka dhanka ah Israa'iil," ayuu Ben-Gvir ku soo qoray Twitter.

Ben-Gvir ayaa go’aankan qaatay ka dib markii maxbuuskii ugu mudada dheeraa Israa’iil, Karim Younis, oo 40 sano ku qaatay xabsiga, la sii daayay jeelka Khamiista todobaadkii lasoo dhaafay.

Younis ayaa waxaa si xamaasad leh ugu soo dhaweeyay tuulada uu ka soo jeedo ee Ara ee waqooyiga Israa’iil isaga oo suran calanka Falastiin taasoo maqaar-xanuun-jisay mas'uuliyiinta maamulka Yahuuda.

66 jirkan ayaa xusay in markii la siidaayay lasii mariyay saldhigyo kala duwan oo booliis, kadibna waxaa la dhigay boosteejo basaska, waxaana in uu qoyskiisa la xiriiro la caawiyay qof meesha taagnaa.

Kariim ayaa ahaa shaqsi si weyn caan uga dhex ah dhaqdhaqaaqa xornimada reer Falastiin, iyada oo loo arkay hoggaamiye soo baxaya oo mustaqbal wanaagsan leh.

Balse maadaamaa Israa’iil u aragto muwaadhin Israa’iili ah ayaa waxa ay u aragtay in ay tahay arrin kamid arrimaha gudaha Israa’iil iyo in ay is-hortaagto ololhiisa.

Militariga maamulka Israa’iil ayaa qoyska Kariim waxay ku wargeliyeen in aysan xusin soo sii dayntiina, balse qoyska iyo dadka tuuladaba dhegaha ayay ka fureysteen.

Markii la siidaayay kadib, Kariim oo ay wehliyaan xubno ka tirsan qoyskiisa ayaa waxa uu booqday qabriga hooyadiisa oo geeriyootay intii uu ku jirey xabsiga Israa'iil, isaga oo alle uga rajeeyay naxariistiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM

Trump oo warbaahinta u jeestay xilli ay isa soo tarayaan caqabadaha ka haysta siyaasada iyo sharciga

CNN waxay tallaabada ku tilmaantay weerar sharci-darro ah oo lagu qaaday xorriyadda…

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 03:13AM