Israa’iil oo u digtay dadka ku dhaqan waqoyga Qasa

Image

QASA - Dadka ku nool Qasa ayaa sheegay inay heleen digniin cusub oo ka timid ciidamada Israa’iil, iyagoo lagu amray in ay ka soo dhaqaaqaan waqooyiga marinka oo ay aadaan dhanka koonfureed.

Digniintu waxay intaa ku dartay in "qof kasta oo sii jooga waqoyga loo aqoonsan doono inuu la dhacsan yahay urur argagixiso," iyadoo Israa'iiliyiintu ula jeedaan ururka Xamaas.

Israa’iil ayaa ciidamo iyo gaadiid gaashaaman isugu geysay xadka marinka Qasa, iyagoo isku diyaarinaya duulaan dhulka ah oo la filayo.

Wadamada Caalaanka ayaase uga digay Israa'iil in ay ku dhaqaaqado falkan inta ay ugu jiraan gacanta Xamaas maxaabiis Rayid ah.

Tirada dhimashada falastiniyiintu ayaa ilaa haatan kor u dhaaftay 4 kun oo qof, xilli ay ku dhaawacmeen in ka badan 13,000.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM

Thailand Oo Duqeyn Ka Fulisay Xuduuda Ay La Wadaagto Cambodia

Wasiirka Warfaafinta Cambodia, Neth Pheaktra, ayaa sheegay in dadka ku nool dhowr tuulo oo xuduuda u dhow la daad gureeyay.

  • Caalamka

    08-12-2025

  • 08:03AM