Israa’iil oo xabsiga dhigtay macallin dhiga maadada Taariikhda

Image

TEL AVIV (GO) - Macallin maadada Taariikhda dhiga oo u dhashay Israa’iil ayaa xabsiga la dhigay ka dib markii uu qeexay sababta ay XMS ku qaadday 7-dii Oktoobar sida lagu sheegay bayaan uu saaray booliska Israa’iil.

Sida laga soo xigtay "Times of Israel", booliisku waxay sheegeen in la xiray ninkaan oo macalinka ka ahaa iskuul ku yaal magaalada “Petah Tikva”, ka dib markii uu sheegay in XMS ay xaq u leedahay weerarkeeda 7-da Oktoobar.

Bayaanka waxaa lagu sheegay in macalinka oo aan magaciisa si cad loo shaacin, laga eryay Iskuulka, laguna eedeeyay in uu faafiyay dacaayad uu ku sheegay Israa’iil inay tahay “dawlad Gumeysi ah oo loo ogol yahay in ay samayso wax kasta oo looga baahan yahay si ay u ilaaliso jiritaankeeda”.

Sida ay saraakiishu sheegeen macalinka ayaa maxkamada ka soo muuqday maalintii jimcaha, halkaas oo garsoorihii uu xabsiga ku sii kordhiyay ilaa isniinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qatar: Weerarka Doha waxaa sabab u ah fashilka Beesha Caalamka in lala xisaabtamo Netanyahu 

Qatar ayaa horey u xaqiijisay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Hamas iyo askari Qatari ah, iyadoo cambaareysay ficilkaasi ay Israel ka gaysatay.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:53AM

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM