Israa’iil oo xabsiga dhigtay macallin dhiga maadada Taariikhda

Image

TEL AVIV (GO) - Macallin maadada Taariikhda dhiga oo u dhashay Israa’iil ayaa xabsiga la dhigay ka dib markii uu qeexay sababta ay XMS ku qaadday 7-dii Oktoobar sida lagu sheegay bayaan uu saaray booliska Israa’iil.

Sida laga soo xigtay "Times of Israel", booliisku waxay sheegeen in la xiray ninkaan oo macalinka ka ahaa iskuul ku yaal magaalada “Petah Tikva”, ka dib markii uu sheegay in XMS ay xaq u leedahay weerarkeeda 7-da Oktoobar.

Bayaanka waxaa lagu sheegay in macalinka oo aan magaciisa si cad loo shaacin, laga eryay Iskuulka, laguna eedeeyay in uu faafiyay dacaayad uu ku sheegay Israa’iil inay tahay “dawlad Gumeysi ah oo loo ogol yahay in ay samayso wax kasta oo looga baahan yahay si ay u ilaaliso jiritaankeeda”.

Sida ay saraakiishu sheegeen macalinka ayaa maxkamada ka soo muuqday maalintii jimcaha, halkaas oo garsoorihii uu xabsiga ku sii kordhiyay ilaa isniinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM