Israa’iil: Waxaan wadnaa Diyaargarowga wajiga labaad ee dagaalka

Image

QASA (GO) - Ciidanka Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in ay uga faa’iideysan doonaan xabbad joojinta afarta maalmood ah ee ay la galeen Xamaas u diyaar garowga wejiga xiga ee hawlgalkooda marinka Qasa.

Afhayeenka ciidamada Daniel Hagari ayaa shir jaraa'id ku sheegay: "Inta lagu jiro maalmaha xabbad joojinta, ciidamada Israa'iil waxay dhameystiri doonaan diyaargarowga marxaladaha xiga ee dagaalka."

Saraakiisha Israel ayaa ku celceliyay in xabad joojinta aysan ka dhigneyn heshiis waara, iyaga oo carabka ku adkeeyay in dagaalku uu dib u bilaaban doono marka ay dhamaato afarta maalmood.

Horaantii Jimcihii, Wasiirka Difaaca Yoav Galant wuxuu sheegay in xabbad joojinta hadda jirta ay tahay mid ku meel gaar ah, ka dib Israa'iil waxay dib u bilaabi doontaa howlgalka iyada oo adeegsaneysan awooddeeda Ciidan oo buuxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM

Trump oo warbaahinta u jeestay xilli ay isa soo tarayaan caqabadaha ka haysta siyaasada iyo sharciga

CNN waxay tallaabada ku tilmaantay weerar sharci-darro ah oo lagu qaaday xorriyadda…

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 03:13AM