Israa’iil & XMS oo gaaray heshiis lagu sii deynayo qaar ka mid maxaabiista

Image

QASA (GO) - Xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Arbacadii sheegay in dowladdu ay aqbashay heshiiska la soo jeediyay ee lagu sii deynayo qaar ka mid ah maxaabiista ku xiran Qasa.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil ayaa xaqiijiyay in 50 haween iyo caruur ah lagu sii dayn doono afar maalmood gudahood, muddadaas oo dagaalku uu joogsan doono, sida ay sheegtay Reuters.

Israa'iil waxay ballan qaaday inay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah Xamaas ka dib marka ay dhamaato xabbad joojinta, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee France-Presse ee dawladda Israa’iil.

Wargeyska Haaretz ayaa hore uga soo xigtay saraakiil Israa’iil iyo Maraykan isugu jira in heshiiskan sidoo kale qeexayo in 150 maxaabiis falastiiniyiin ah laga sii daayo xabsiyada Israa’iil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM

Trump oo warbaahinta u jeestay xilli ay isa soo tarayaan caqabadaha ka haysta siyaasada iyo sharciga

CNN waxay tallaabada ku tilmaantay weerar sharci-darro ah oo lagu qaaday xorriyadda…

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 03:13AM