Israel: in ka badan 300 oo ku geeriyootay Dagaalka wali socda.

Image

QASSA - Xukuumada Israel ayaa ku dhawaaqday dad ka badan 300 oo qof oo Yahuud ah ay ku geeriyooday dagaalka wali socda ee xoogaga iska caabinta Falastiiniyiintu ay ugu magac dareen, Duufaanta Al-Aqsa.

Ra'iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dagaal ay ku jiraan isla markaana ay tahay maalin ku adag dhankooda isaga oo yiri" Falastiiniyiintu waxaa ay doonayaan in ay na dilaan".

Falanqeeyayaasha ayaa qiyaasaya in khasaaruhu uu sii badan doono iyada oo xoogaga Falastiiniyiintu ay sheegeen in ay qabteen maxaabiis faro badan oo isugu jira ciidamada iyo rayid.

Dowladaha Bariga dhexe ayaa ugu baaqay in xaalada ay dejiyaan labada dhinac marka laga reebo Qadar oo iyadu eeda dusha ka saartay Israel.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM