Israel iyo Maraykanka oo Ka Baaqaya Shir France iyo Saudi Arabia Wadaan oo Lagu Taageerayo Falastiin

Image

NEW YORK – Israel iyo Maraykanka ayaa ku dhawaaqay inaysan ka qeybgali doonin shir caalami ah oo ay France iyo Sacuudi Carabiya qabanayaan, kaas oo lagu taageerayo xal laba-dawladood ah oo lagu gaarayo nabad waarta oo u dhaxeysa Israel iyo Falastiin.

Shirkan, oo lagu qabanayo magaalada New York xilli uu socdo Fadhiga 80aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (UNGA), waxaa ka qeyb gali doona madax badan oo caalami ah. Qaar ka mid ah dalalka ka soo qeybgalaya ayaa la filayaa inay si rasmi ah u aqoonsadaan Dowladda Falastiin, iyadoo horey tallaabadaas u qaaday UK iyo wadamo kale.

Safiirka Israel u fadhiya Qaramada Midoobay, Danny Danon, ayaa shirka ku tilmaamay “masrax siyaasadeed” oo aan wax faa’iido ah lahayn. “Waxay ku abaalmarinayaan argagixisada. Ma aha wax wax dhisaya,” ayuu yiri Danon Khamiistii, isagoo cambaareeyay dadaallada socda.

Qaramada Midoobay ayaa bishan soo saartay bayaan todoba bog ka kooban oo lagu qeexay talaabooyin cad-cad, waqtiyaysan, oo aan laga noqon karin, si loo gaaro xal laba-dawladood ah. Bayaankaas wuxuu sidoo kale cambaareeyay ururka Xamaas, isaga oo ugu baaqay in uu hubka dhigo oo is dhiibo—taasoo si degdeg ah uga careysiisay Israel iyo Maraykanka, kuwaas oo ku tilmaamay mid wax u dhimaya nabadda iyo kaliya buunbuunin siyaasadeed.

Sarkaal ka tirsan dowladda Israel ayaa sheegay in dalkoodu tixgelinayo inuu ku jawaabo tallaabooyin adag, oo ay ka mid tahay in ay si rasmi ah u kala gooyaan qaybo ka mid ah Daanta Galbeed ee la haysto. Sidoo kale, Maraykanku wuxuu ka digay cawaaqib xumo ka dhalan karta tallaabo kasta oo ka dhan ah Israel, isagoo si gaar ah u tilmaamay France oo martigelinaysa shirka, iyo Madaxweyne Emmanuel Macron oo shirguddoomin doona kulanka.

Shirkan ayaa lagu wadaa in uu noqdo mid si weyn indhaha caalamka ugu soo jeediyo arrinta Falastiin, xilli ay isa soo tarayaan wicitaannada ku aaddan xal waara oo loo helo khilaafka muddada dheer ka taagan Bariga Dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Israa’iil siinaya Hub Cusub xili ay xasuuq kawado Gaza

Sida ay sheegeen sarkaal Mareykan ah iyo qof kale oo xog-ogaal u ah qorshahan balse codsaday in aan magaciisa la shaacin, heshiiska ayaa ka kooban:

  • Caalamka

    21-09-2025

  • 10:31AM

Pakistan oo Sheegtay Inay Nukliyeerkeeda Ku Difaacayso Sacuudiga 

Asif ayaa sidoo kale tusaale u soo qaatay Israa’iil, isagoo sheegay in, “Isra’iil, in kastoo ay tahay quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    20-09-2025

  • 05:56AM