Israel oo derbi ka dhisaysa xadka Urdun

Image

AMMAN, Urdon - Ra'iisul wasaaraha dalka Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu uu silig ama teed ka dhisi doono xuduudka uu la wadaago Urdun.

Isaga oo hadlaya ayuu yiri " waxaan ka dhiseyna teed lamid ah kan Masar si aan uga hortagno soo dhuumashada".

Arintaan ayaa loo aanaynayaa walaaca ay Israel ka qabto in ay sugto Amniga gudaha.

Dhawaan ayay ahayd markii Askari u dhashay Masar uu toogtay in ka badan 3 Askar Yahuud ah dhanka xadka gobalka Siinaay kuwaasi oo uu kujiray Sarkaal sare.

Arintaan ayaa hurin karta muranka dhanka Xuduuda ee u dhaxeeya Israel iyo Urdun.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM