Israel oo dishay 130 falastiini ah tan iyo bilowgii sanadkan 2023

Image
Duqeymihii ugu dambeeyay ee Yahuuda ka geysatay Gaza ayaa galaaftey nolosha 21 Falastiini ah.

DOOXA, Qadar - Tirada dadka reer Falastiin ee ku dhintay duqeymo cusub oo ay Israa’iil ka geysatay marinka Qaza ayaa gaartay 21 qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiiniyiinta Arbacadii.

War ka soo baxay wasaaradda oo loo qeybiyey xarumaha warbaahinta caalamka ayaa lagu caddeeyay in 64 Falastiiniyiin ah ay sidoo kale ku dhaawacmeen weerarada.

Saddex hogaamiye oo ka tirsan kooxda ka dagaalanta gudaha Gaza oo lagu magacaabo Jihaad Islamka, xaasaskooda iyo caruurtooda ayaa ka mid ah dadka lagu dilay weerarada.

Ciidamada Israel ayaa sheegay in duqeymaha cirka ay qeyb ka ahaayeen howlgalkooda gaashaanka iyo fallaadha oo ay kaga jawaabayeen gantaalo laga soo riday Qaza.

Kooxaha ka dagaalama Gaza ayaa gantaalo ku weeraray Yahuuda ka dib geeridii nin reer Falastiin ah oo cuntada ka soomay uu ku dhex-geeriyoodey xabsi Israel todobaadkii hore.

Sida laga soo xigtay tirokoobka Falastiin, ugu yaraan 130 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymaha Israel tan iyo bilowgii sanadkan. 19 Israa'iiliyiin ah ayaa sidoo kale lagu dilay weeraro kala duwan isla muddadaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM