Israel oo lagu eedeeyey inay duqeyn ka geysatey gudaha Syria

Image

December 8, 2014 (GO)- Dowladda Syria ayaa ku eedeysay Israel in diyaaradaheeda dagaalku duqeeyeen labo goobood oo ku yaalla duleedka magaalada Dimishiq kuwaasoo midkood wax yar u jirto garoonka diyaaradaha ee Dimishiq.

"cadowga Israel wuxuu soo weeraray Syria isagoo bartilmaameedsanaya labo aag oo nabad ah kuna yaalla gobolka Dimishiq, labadaas goobood oo kala ah agagaarka Dimas iyo meel u dhow garoonka caalamiga ah ee Dimishiq" warbixin laga baahiyey telefishinka al-Ikhbariya ee ku hadla afka dowladda ayaa sidaas lagu yiri.

Warar madax banaan oo warbaahintu heshay ayaa sheegaya in duqeyntaas khasaare nafeed oo baaxad lihi kasoo gaarey militeriga Syria, inkastoo maamulka Asad ka gaabsadey inuu arintaas wax faah faahin ah ka bixiyo.

Dhanka Isreal weli jawaab ah kama bixin eedaymaha uga yimid Syria ee ku saabsan duqeyntaas oo dhacdey shalay oo Axad ahayd.

Laga soo bilaabo sanadkii 2011, markaasoo dalka Syria uu ka bilowday kacdoon dadweyne oo markii dambe isu bedelay dagaal sokeeye oo lagu hoobtey, waxaa dhowr mar gudaha Syria duqeymo ka geystey diyaaradaha dagaalka ee Israel.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo markii ugu horreysay yeelatay Ra’iisul Wasaare dumar ah

Takaichi ayaa sidoo kale sheegtay in ay doonayso in ay dib u soo noolayso sumcadda xisbiga LDP.

  • Caalamka

    04-10-2025

  • 12:32PM

Netanyahu oo ka raali-geliyay Qatar weerarkii Doha

Ugu yaraan shan xubnood oo heer hoose ah oo ka tirsan Hamas iyo sarkaal amni oo Qatari ah.

  • Caalamka

    30-09-2025

  • 11:10AM