Israel oo looga baqayo in uu ka dhaco dagaal Sokeeye

Image

TEL AVIV, Israel - Dadwaynaha Yuhuuda ayaa sii wada dibad-baxyada ay uga soo horjeedaan isbedelo lagu sameeyo awoodaha garsoorka dalkaas.

In ka badan kun oo kamid ahaa ciidamada keydka ah ee Cirka ayaa sheegay in ay isaga tageen shaqada.

Inta badan Gudoomiyayaasha jaamacaddaha Israel ayaa iyana ku dhawaaqay in ay shaqo joojin bilaabeen iyaga oo ka caraysan awoodaha Garsoorka ee hoos loo dhigayo.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in ciidamada Israel ay ka dhex bilaabatay amar diido isla markaana ciidamada qaybtood ay kasoo horjeedaan tilaabooyinka Xukuumada.

Shacabka Yuhuuda oo hubeysan ayaa laga baqayaa in uu ka dhex qarxo dagaal sokeeye walaw ay arintaasi in ay soo deg-degto meesha ka saareen khubarada ku xeel-dheer arimaha Israel.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM