Israel oo weeraraysa Iran iyo Mareykanka oo diblomaasiyiintiisa kala baxaya Bariga Dhexe

Image

WASHINGTON — Israel ayaa u muuqata inay si dhab ah isugu diyaarinayso weerar toos ah oo ka dhan ah Iran, sida ay xaqiijiyeen saraakiil sare oo ka tirsan Maraykanka iyo Midowga Yurub.

Tallaabadan ayaa laga cabsi qabaa inay si weyn u kiciso xiisadda Bariga Dhexe, isla markaana dib u dhigto ama burburiso dadaallada ay xukuumadda Trump wado si loo gaaro heshiis lagu joojinayo barnaamijka nukliyeerka Iran.

Cabsida laga qabo weerar Israel ka fuliso Iran iyo jawaab-celin militari oo Iran ay qaaddo ayaa sababtay in Maraykanku Arbacadii kala baxo diblomaasiyiinta qaar ee ku sugan Ciraaq, isagoo sidoo kale oggolaaday in si ikhtiyaari ah looga saaro xubnaha qoysaska ciidanka Maraykanka ee ku sugan Bariga Dhexe.

Illaa hadda lama oga heerka ay gaarsiisan tahay diyaargarowga Israel ee weerarkan, balse xiisadda ayaa sii xoogeysatay kaddib bilo uu Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu cadaadis saarayay Madaxweyne Donald Trump si uu uga faa’iidaysto fursad uu ku sheegay “daciifnimo” ka muuqata Iran.

Bishii hore, Madaxweyne Trump ayaa horay u diiday qorshe kale oo Israel ku doonaysay inay ku qaaddo Iran, isagoo sheegay inuu doonayo inuu fursad siiyo wadahadal diblomaasiyadeed oo lagu xakameynayo awoodda Iran u leedahay samaynta hubka nukliyeerka.

Laba toddobaad ka hor, Trump ayaa sheegay inuu si cad ugu digay Netanyahu inaysan weerar qaadin inta wadahadallada Mareykanka iyo Iran ay socdaan.

Haddii weerarkan uu rumoobo, wuxuu noqon doonaa mid ka mid ah dhacdooyinka ugu khatarta badan ee gobolka ka dhaca sannadihii u dambeeyay, taasoo dhaawici karta dadaallada caalamiga ah ee lagu xasilinayo Bariga Dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM