Israel oo xoojisay duqeymo ay ka fulineyso Lubnaan

Image

TEL AVIV, Israel — Israel ayaa maanta sii xoojisay duqeymo cirka ah oo ay ku qaaday dalka Lubanaan, ayada oo sheegtay inay ka jawaabeyso gantaallo halkaas looga soo tuuray toddobaadkan.

War-saxaafadeed kasoo baxay ciidamada Israel ayaa lagu sheegay in diyaaradaha dagaalka ay weerareen goobo gantaallada looga soo tuuray dhowrkii maalmood ee tegay, iyo goobo cusub oo horey Israel looga soo weeraray.

Ciidamada ayaa ku eedeeyey dowladda Lubnaan weerarka, waxayna ka digeen “Isku dayo kale oo lagu waxyeeleynayo shacabka iyo madax-banaanida Israel.”

Weerarada cusub oo xaaladda kasii daraya ayaa imanaya xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo kacsan. Dowladda isbaheysiga ah ee Israel oo ka kooban sideed xisbi ayaa isku dayeysa inay ilaaliso xabad-joojin aan cago adag ku taagneyn oo lala galay kooxda Xamas ee maamusha Gaza, taasi oo soo geba-gebeysay dagaal socday 11 maalmood, bishii May.

Dhowr dhacdo oo ka horeeyey gantaallada toddobaadkan laga soo tuuray Lubnaan ayaa diiradda saaraya xuduudda waqooyi ee Israel, islamarkaana Mareykanka ayaa si deg deg ah u cambaareeyey weerarada lagu soo qaaday Israel.

Taleefishinka Al-Manar oo ay leedahay kooxda Xizbullah ayaa weriyey duqeymaha Israel, qiyaastii 2:00 AM, wuxuuna intaas ku daray inay ku dhaceen goob banaan oo ku taalla xaafadda Mahmoudiya ee degmada Marjayoun.

Avichai Adraee, oo ah afhayeenka luuqadda Carabiga ku hadlay ee ciidamada Israel, ayaa sheegay in dowladda Lubnaan ay mas’uul ka tahay waxa ka dhacaya dhulkeeda, wuxuuna ka digay weeraro kale oo Israel looga soo qaado Koonfurrta Lubnaan.

AP + VOA

Related Articles

Trump: Aniga iyo Elon Musk Xiriirkeennii wuu dhammaaday, Cawaaqib xun ayuu la la kulmi doonaa

“Waxaan u maleynayaa inay sidaas tahay, haa,” ayuu yiri Trump markii la weydiiyay haddii uu u maleynayo in xiriirkooda uu dhammaaday.

  • Caalamka

    08-06-2025

  • 08:56AM

Trump oo soo saarey Go'aan culus oo saameynaya Soomaaliya

Tallaabadan ayaa dhaliyay walaac iyo cambaareyn xooggan oo ka imaanaysa bulshada caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka.

  • Caalamka

    05-06-2025

  • 10:55AM