Israel: Waxaan galaynaa gudaha Gaza

Image

GAZA (GO) - Wasiirka Difaaca ee Israel, Yoav Gallant ayaa ku dhawaaqay in ciidamadooda ay ka dagaalamayaan hareeraha iyo gudaha Gaza isla markaana ay soo socdaan maalmo adag.

" Qiime ayaan ku bixin doonaa khasaarena waa uu jiri doonaa mana jirto Guul lagu gaaro iyada oo aan qiime ku kicin" ayuu ku yiri shirkiisa jaraaid.

Hadalkiisa ayaa imaanaya iyada oo gudaha Israel ay ka socdaan dibad-baxyo lagu dalbanayo in la qaato xabad joojin si loosoo badbaadiyo la haysatayaasha tirada badan ee Xamaas ay gacanta ku dhigtay Hawlgalkii 07 Oct.

Israel ayaa sii laba jibaartay duqeymaha bahalnimo ee ay ka gaysanayso marinka Gaza iyada oo isgaarsiinti ay ka go'antahay taasi oo keentay in Gaadiidka gurmadka deg-dega ah ay shaqadooda gabaabsi noqoto isla markaana meydadka iyo dhaawacyada garbaha lagu soo guro.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Iran oo beenisay inay wada-xaajood ka dalbatay Mareykanka xili xiisad dagaal jirto

Tani ayaa ku soo beegmaysa kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu Talaadadii sheegay in “ciidan kale” uu ku sii socdo Iran.

  • Caalamka

    28-01-2026

  • 01:51PM

Spain oo Sharciyo siinaysa Nus Milyan Muhaajiriin Sharci-la’aan ah

Saiz waxay sheegtay in tallaabadan ay tahay mid lagama maarmaan u ah ka jawaabidda xaqiiqada ka jirta waddooyinka dalka.

  • Caalamka

    28-01-2026

  • 09:41AM