Jaban oo cunaqabatayn ku soo rogtay Xamaas

Image

QASA (GO) - Japan ayaa ku dhawaaqday inay cunaqabatayn cusub kusoo rogtay shaqsiyaad iyo shirkado xiriir la leh Xamaas, oo uu ku jiro xubin horay loo shaaciyay dhimashadiisa.

Cunaqabateynta ayaa waxaa ka mid ah in la xayiro hantida shaqsiyaadka iyo shirkadaha Xamaas ka caawiyo dhaqaalaha.

Go’aankan ayaa imaanaya xilli Mareykanka uu ku dhawaaqay cunaqabatayn cusub oo ka dhan ah Xamaas horraantii bishan Oktoobar.

Shakhsiyaad ay ku jiraan xubnaha Xamaas Mohammed Ahmed Cabdidaa’im iyo Ayman Nofal, ayaa lagu daray liiska dadka iyo ururada ay Japan u aragto argagixiso.

17-kii Oktoobar, Xamaas ayaa ku dhawaaqday in Nofal lagu dilay weerar cirka ah oo ay Israa'iil fulisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM