Jaban oo cunaqabatayn ku soo rogtay Xamaas

Image

QASA (GO) - Japan ayaa ku dhawaaqday inay cunaqabatayn cusub kusoo rogtay shaqsiyaad iyo shirkado xiriir la leh Xamaas, oo uu ku jiro xubin horay loo shaaciyay dhimashadiisa.

Cunaqabateynta ayaa waxaa ka mid ah in la xayiro hantida shaqsiyaadka iyo shirkadaha Xamaas ka caawiyo dhaqaalaha.

Go’aankan ayaa imaanaya xilli Mareykanka uu ku dhawaaqay cunaqabatayn cusub oo ka dhan ah Xamaas horraantii bishan Oktoobar.

Shakhsiyaad ay ku jiraan xubnaha Xamaas Mohammed Ahmed Cabdidaa’im iyo Ayman Nofal, ayaa lagu daray liiska dadka iyo ururada ay Japan u aragto argagixiso.

17-kii Oktoobar, Xamaas ayaa ku dhawaaqday in Nofal lagu dilay weerar cirka ah oo ay Israa'iil fulisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM

Thailand Oo Duqeyn Ka Fulisay Xuduuda Ay La Wadaagto Cambodia

Wasiirka Warfaafinta Cambodia, Neth Pheaktra, ayaa sheegay in dadka ku nool dhowr tuulo oo xuduuda u dhow la daad gureeyay.

  • Caalamka

    08-12-2025

  • 08:03AM