Jamhadaha Peshmerga oo jebiyey go'doonkii IS ku haysey buurta Sinjaar

Image

December 20, 2014 (GO)- Jamhadaha Kurdishka ah ee Peshmerga ayaa horumar ka sameeyey dagaalka ay kula jiraan kooxda Daacish (ISIL) kadib markii ay ku guuleysteen inay jebiyaan go'doon muddo afar bilood ka badan kooxdaasi ku haysey buurta Sinjaar.

Boqollaal qoys oo ka tirsan qabaa'ilka Yazidiyiinta ee laga tirada badan yahay ayaa halkaas ku go'doonsanaa laga soo bilaabo bishii August ee lasoo dhaafay.

Sarkaal ka tirsan Peshmarka oo lagu magacaabo Shirazad Zakhuli ayaa wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu u sheegay in hadda wixii ka dambeeya duulaankooda u jiheyn doonaan magaalada Tal Cafar halkaasoo todobaadyo kahor gacanta u gashay Daacish.

Wadamada Reer Galbeedka iyo dalalka Carabta qaarkood ayaa taageero dhaqaale iyo mid militeriba siiya jamhadaha Kurdishka si ay ula dagaalamaan ururka xagjirka ah ee IS una difaacaan magaalooyinkooda.

Hawlgalka dib loogu xoreeyey Sinjaar oo tobanaan diyaaradaha dagaalka Maraykanka iyo xulafadiisa ahi ka qayb qaateen wuxuu ahaa kii ugu ballaarnaa ee Peshmerga fuliso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doorashada Israa’iil: Natiijo aan weli caddayn iyo loollan ku saabsan dhismaha dowladda

Benjamin Netanyahu oo hadda u muuqda in laga adkaaday wuxuu ra’iisul wasaaraha Israa’iil soo noqday muddo ku dhow 19 sano guud ahaan.

  • Caalamka

    28-10-2026

  • 05:02AM

Jay Clayton: Iran waxay diyaarisay qorshayaal ay ku beegsanayso ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe

Warbixintan ayaa imaanaysa iyadoo hore loo soo tebiyay tallaabooyin amni oo la xiriira joogitaanka Mareykanka ee gobolka.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:45AM