Japan iyo Australia oo kala saxiixday heshiis difaaca oo ka dhan ah Shiinaha

Image

Dowladaha Japan iyo Australia ayaa maanta oo khamiis ah kala saxiixday heshiis "taariikh ah" oo lagu xoojinayo hanaanka difaaca, iyaga oo sheegay in heshiiska uu gacan ka geysan doono xasilloonida gobolka, iyadoo Shiinuhu uu ballaarinayo awooddiisa ciidan iyo dhaqaale ee gobolka.

Inkastoo ra'iisul wasaaraha Australia Scott Morrison uusan si toos ah ugu xusin Beijing bayaan uu soo saaray ka hor inta aan la saxiixin, heshiiska ayaa loo arkaa tallaabo kale oo xulafada gobolka ay ku muujinayaan walaaca ay ka qabaan ballaarinta militariga Shiinaha.

Ka hor kulanka Khamiista uu la yeelanayo dhiggiisa Japan Fumio Kishida, Morrison wuxuu ugu yeeray heshiiska "bayaan ay ka go'an tahay laba waddan in ay ka wada shaqeeyaan sidii loo dabooli lahaa caqabadaha amniga iyo istiraatiijiyadeed ee la wadaago ee aan wajaheyno iyo inaan gacan ka geysanno amniga iyo xasilloonida Indo-Pacific."

"Heshiiskan taariikhiga ah wuxuu... markii ugu horeysay bixin doona qaab cad oo lagu wanaajinayo wada shaqaynta iyo iskaashiga ka dhexeeya labadeena ciidan," Morrison ayaa yiri bayaan uu soo saaray.

Wadashaqeyntu waxay ka tarjumaysaa "qiyamka aan wadaagno, go'aankeena dimoqraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha, iyo danahayaga guud ee Indo-Pacific oo xor ah, furfuran oo adkaysi leh," ayuu raaciyay.

Japan iyo Australia, oo ay weheliyaan Maraykanka iyo Hindiya, ayaa samaystay isbahaysi ay hoos ugu dhigayaan is baalaarinta milatariga Shiinaha ee gobolka.

Ali Wyne, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan kooxda Eurasia, ayaa sheegay in heshiisku uu kor u qaadi karo awoodda Tokyo iyo Canberra ee ah in ay Japan kor ugu qaado dhoolatus milatari oo ay la wadaagaan Maraykanka.

Sidoo kale bishii Sebtembar, Maraykanka, Ingiriiska, iyo Australia waxay ku dhawaaqeen in ay samaysteen isbahaysi cusub - AUKUS - kaas oo Australia ay ku heli doonto badda hoosteeda tamarta nukliyeerka iyada oo la adeegsanayo tignoolajiyada Maraykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

  • Caalamka

    24-05-2025

  • 04:20PM

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM