Japan oo 300 oo Heshiis La Gashay Afrika: Iskaashi Taariikhi ah oo Ka Dhashay Shirka TICAD9

Image

Tokyo – Japan iyo waddamada Afrika ayaa gaaray iskaashi taariikhi ah kadib markii lagu saxiixay 300 heshiis intii uu socday Shirweynihii 9aad ee Tokyo ee Horumarinta Afrika (TICAD9), kaasoo toddobaadkan lagu qabtay dalka Japan.

Tirada heshiisyadan ayaa saddex laab ka badan kuwii lagu gaaray shirkii hore ee ka dhacay Tunisia sanadkii 2022, taasoo muujinaysa horumar weyn oo laga sameeyay xiriirka labada dhinac.

Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya dhinacyo muhiim ah oo horumarineed sida: kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka, teknoolojiyadda, waxbarashada iyo beeraha — kuwaas oo dhamaantood door muhiim ah ka ciyaaraya koboca iyo isbeddelka Qaaradda Afrika.

Munaasabadda lagu shaaciyay heshiisyadan ayaa dhacday maalintii labaad ee shirka, waxaana goob joog ka ahaa Madaxweynaha Angola, João Lourenço, oo ah guddoomiyaha Midowga Afrika, iyo Ra’iisul Wasaaraha Japan, Shigeru Ishida.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sheegay in ballaarinta iskaashigan ay muujinayso sida Japan ugu go’an tahay wadashaqeyn waarta oo lala yeesho Afrika, iyo doorka sii weynaanaya ee Afrika ku leedahay masraxa dhaqaale ee caalamka.

Shirka TICAD9 ayaa mar kale xoojiyay muhiimadda iskaashiga Japan iyo Afrika, iyadoo la doonayo in la dardar geliyo horumar waara, xasillooni siyaasadeed iyo kobac dhaqaale oo la wadaago.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad ku dhacday Badda kadib markii ay ka baxday Garoonka Hong Kong

Mas’uul ka tirsan Waaxda Dab-damiska ayaa weriyeyaasha u sheegay in labada qof ee dhintay ay kala ahaayeen darawalkii gaariga ilaalinta amniga.

  • Caalamka

    20-10-2025

  • 11:44AM

Xuutiyiinta Taageerada ka Hela Iran oo Qabtay Shaqaale ka Tirsan Qaramada Midoobay

Xaaladdan ayaa si weyn uga sii daraysa xaaladda amni iyo shaqo ee Qaramada Midoobay ee Yemen.

  • Caalamka

    20-10-2025

  • 08:40AM