Jarmalka oo Israa'iil ku canaantey "talaabo sharci darro ay qaadey"

Image
Xukuumadda Berlin ayaa ku adkeysatay in mowqifkeeda Yahuuda iyo Falastiin uusan wali waxba iska badalin.

BERLIN, Germany - Jarmalka ayaa ku dhaleeceeyay maamulka Israa’iil sharci cusub oo waddada u xaaraya soo celinta deegaamaynta sharci darrada ah ee waqooyiga Daanta Galbeed ee la haysto.

"Dawladda Jarmalku aad ayay uga walaacsan tahay arrintan," ayay wasaaradda arrimaha dibadda ku sheegtay hadal ay soo saartay, iyadoo ka digtay in "tallaabadan khatarta ah" ay khatar gelinayso xaaladda ammaan ee gobolka oo markii horeba kacsanayd.

Talaadadii, baarlamaanka Israa’iil ayaa meel mariyay sharci ogolaanaya in Israa’iiliyiintu ay dib u dajin ka sameeyaan afar xarumood oo laga daadgureeyay 2005-tii, iyadoo la raacayo qorshaha Ra’iisul Wasaarihii hore ee Ariel Sharon ee marinka Gaza.

"Go'aanku wuxuu ka soo horjeedaa ujeeddada heshiiska ay wada gaareen Israa'iil iyo Falastiiniyiinta ... kaas oo ay ka go'an tahay inay ka fogaadaan tallaabooyinka hal dhinac ah," ayay tiri Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalka.

War-saxaafadeedka oo lagu adeegsadey erayo arag ayaa intaas ku daray: "Ilaalinta ballan qaadyada mar la sameeyo waa laga maarmaan in loosii ilaaliyo sidii loo sameeyay".

Wasaaradda ayaa waxa kale oo ay ku celisay mawqifkii dheeraa ee Jarmalku ka taagnaa balaarinta deegaamaynta Israa’iil ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.

“Mowqifka dawladda Jarmalku ka taagan tahay dhismaha deegaamaynta Israa’iil weli waxba iskama beddelin. Kuwani waa sharci-darro marka loo eego sharciga caalamiga ah," ayay ku adkeysatay wasaaradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: "Israa'iil dambe ma weerari doonto xarumaha gaaska ee Iran."

Digniintii adkayd ee ka timid Riyadh oo sheegtay in "dulqaadkii Khaliijka ee weerarada Iran uu dhammaaday."

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 11:05AM

Senate-ka Mareykanka Oo Diiday Xeer Lagu Xaddiday Awoodda Trump ee Dagaalka Iran

Hoggaamiyaha Dimuqraaddiga ee Senate-ka Chuck Schumer ayaa ka hor codeynta sheegay in aysan caddayn ujeeddooyinka dagaalka.

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 10:52AM