Jarmalka oo Israa'iil ku canaantey "talaabo sharci darro ay qaadey"

Image
Xukuumadda Berlin ayaa ku adkeysatay in mowqifkeeda Yahuuda iyo Falastiin uusan wali waxba iska badalin.

BERLIN, Germany - Jarmalka ayaa ku dhaleeceeyay maamulka Israa’iil sharci cusub oo waddada u xaaraya soo celinta deegaamaynta sharci darrada ah ee waqooyiga Daanta Galbeed ee la haysto.

"Dawladda Jarmalku aad ayay uga walaacsan tahay arrintan," ayay wasaaradda arrimaha dibadda ku sheegtay hadal ay soo saartay, iyadoo ka digtay in "tallaabadan khatarta ah" ay khatar gelinayso xaaladda ammaan ee gobolka oo markii horeba kacsanayd.

Talaadadii, baarlamaanka Israa’iil ayaa meel mariyay sharci ogolaanaya in Israa’iiliyiintu ay dib u dajin ka sameeyaan afar xarumood oo laga daadgureeyay 2005-tii, iyadoo la raacayo qorshaha Ra’iisul Wasaarihii hore ee Ariel Sharon ee marinka Gaza.

"Go'aanku wuxuu ka soo horjeedaa ujeeddada heshiiska ay wada gaareen Israa'iil iyo Falastiiniyiinta ... kaas oo ay ka go'an tahay inay ka fogaadaan tallaabooyinka hal dhinac ah," ayay tiri Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalka.

War-saxaafadeedka oo lagu adeegsadey erayo arag ayaa intaas ku daray: "Ilaalinta ballan qaadyada mar la sameeyo waa laga maarmaan in loosii ilaaliyo sidii loo sameeyay".

Wasaaradda ayaa waxa kale oo ay ku celisay mawqifkii dheeraa ee Jarmalku ka taagnaa balaarinta deegaamaynta Israa’iil ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.

“Mowqifka dawladda Jarmalku ka taagan tahay dhismaha deegaamaynta Israa’iil weli waxba iskama beddelin. Kuwani waa sharci-darro marka loo eego sharciga caalamiga ah," ayay ku adkeysatay wasaaradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel iyo Xuutiyiinta oo isweydaarsaday duqeymo cirka ah xilli xiisad ka jirto Badda Cas

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u amray weerarro waaweyn oo ka dhan ah Xuutiyiinta dalka Yemen.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 07:06AM

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Elon Musk kadib markii uu dhisay xisbiga cusub ee "American Party"

Muranka ka dhashay miisaaniyadda qarashka dowladda ayaa sababay kala fogaansho weyn oo u dhexeeya Trump iyo Musk.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 05:49AM