Jarmalka oo qaaday tallaabooyin cusub oo ka dhan ah qaxootiga

Image

BERLIN - Dowladda Jarmalka ayaa bilowday baaritaanno ay ka sameynayaan xuduudka ay la wadaagaan dalalka Poland iyo Czech Republic, iyadoo joojisay qaabilaadda dadka qaxootiga ah ee ka imaanaya Talyaaniga.

Jarmalka oo leh dhaqaalaha ugu sarreeya Yurub, ayaa ah dalka ugu horeya ee hiigsadaan muhaajiriinta iyo magangalyo doonka ee imaanaya wadamada Midowga Yurub.

Intii u dhaxaysay Janaayo ilaa Agoosto 2023, qiyaastii 205,000 oo muhaajiriin ah ayaa magangalyo ka codsaday Jarmalka, taasoo ka dhigan koror 77% ah marka loo eego isla muddadaas 2022.

Sida laga soo xigtay maamulka, dad lagu qiyaasay 280,000 oo qaxooti ah ayaa hadda ku nool Jarmalka iyagoo aan haysan wax sharci ah, waxaana lagu qasbay inay dalka ka baxaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo hab cusub ku dhoofinaya shidaalka kadib cadaadiska Hormuz iyo Bab al-Mandab

Markab Sacuudigu leeyahay ayaa shidaalka kasoo qaada dekedaha Khaliijka, kadibna…

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 08:00AM

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM