Joe Biden oo "kawaanle" ku tilmaamay Vladimir Putin

Image
Aqalka Kremlin-ka ayaa si adag uga jawaabay hadalka kasoo yeeray madaxweynaha Mareykanka.

MOSCOW, Russia - Hadalka Joe Biden ee ku tilmaamay Vladimir Putin in uu yahay "kawaanle" waxay "ciriiri-gelinayaan" hagaajinta xiriirka labadda dal, sida uu sheegay afhayeenka Aqalka Kremlin-ka, Dmitry Peskov.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa dhawaqan ka dhawaajiyey xilli uu booqasho ku joogay Poland isaga oo tixraacaya wax uu ugu yeeray "dilalka aan kala sooca lahayn ee Putin ka geysanayo Ukraine".

"Gabagabadii, hoggaamiyaha dal waa inuu miyir qabo," ayuu Peskov u sheegay wakaaladda wararka ee TASS, sida ku xusan warbixin lagu daabacay ciwaanka ay ku leedahay internet-ka.

Sida ku xusan bayaanka, Peskov ayaa ku daray: "Mar kasta oo aflagaadada shakhsi ahaaneed ay xirto daaqadda fursadda xiriirka laba geesoodka ah ee maamulka hadda jira (Mareykanka) waa inaan ka warqabnaa arrintan".

Dhanka kale, ugu yaraan 59 goob cibaado oo ku yaala dalka Ukraine ayaa waxaa duqeeyay ciidamada Ruushka, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray maamulka dalkaasi u qaabilsan arrimaha kaniisadaha.

"Kaniisadda Ortodoks-ka ee Yukreeniyaanka, oo ka hoos shaqeysa wadaadka Masiixiga ah ee Moscow, gaar ahaanna ku xooggan bariga dalka, ayaa waxaa soo gaaray khasaare xooggan," ayay raacisay.

Sida laga soo xigtey war-saxaafadeeda, kaniisadda Katooliga, shan kaniisadood oo Protestant-ka ah, saddex masaajid iyo saddex macbad ayaa sidoo kale lagu dhaawacay dagaalka ilaa hadda.

Dawladda Britain ayaa la wareegtay laba diyaaradood khaas ah oo uu leeyahay, Eugene Shvidler, oo ah maalqabaneen u dhashay Ruushka ee cunaqabataynta lagu soo rogay.

Diyaaradahan ayaa baaritaan lagu hayay muddo saddex toddobaad ah waxaana ay yaaleen garoomada diyaaradaha ee Farnborough iyo Biggin Hill.
Xoghayaha gaadiidka UK, Grant Shapps, ayaa yiri: "Saaxiibada Putin waa in aysan ku raaxaysan waqtigooda iyadda oo dad aan waxba galabsan ay ku dhimanayaan Ukraine".

Shvidler oo ka tanaadey ka ganacsiga shidaalka ama saliida ceyriinka ah ayaa lagu ciqaabay xiriir ganacsi oo uu la lahaa milkiilaha Chelsea FC, Roman Abramovich.

Hantidiisa ayaa lagu qiyaasay £1.2 bilayn, sida uu sheegay Dowladda Ingiriiska oo qoraal rasmi ah soo saartey, halka diyaaradaha la qabtayna la rumeysan yahay inay qiimahoodu gaarayaan ilaa $60 milyan (£45m).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirkadda AstraZeneca oo qirtay in talaalka Covid-19 uu keeni karo “xanuun cafimaad”

Talaalkan ayaa si weyn loogu qeybiyay gudaha Soomaaliya sanadkii 2021.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 07:41AM

Banaanbaxyo lagu taageerayo qaddiyada Falastiin oo gilgilay Mareykanka

Ugu yaraan 20 mudaaharaadayaal ah oo taageersan Falastiin ayaa xabsi loogu taxaabay isu-soo-baxyadan aawadeed.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 05:25AM