Mareykanka oo "duqeyn ugu dilay shaqaale samafal"

Image
Howlgalkaas wuxuu dhacay maalin ka hor markii ciidamada Mareykanku ay soo afjareen howlahoodii 20-ka sano qaatay.

NEW YORK, USA - Falanqaynta muuqaal la helay ayaa muujinaysa in laga yaabo in Maraykanku si khalad ah u beegsaday shaqaale samafal halkii hadafku ahaa dagaalyahannada ISIL (ISIS) weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Afgaanistaan ​​oo ay ku dhinteen 10 qof oo rayid ah, sida ay warisay New York Times.

Pentagon-ka ayaa sheegay in ay carqaladeeyeen weerar cusub oo ay qorsheeyeen kooxda hubaysan iyada oo loo marayo duqeyn diyaaradeed 29-kii Ogosto.

Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in qarax aad u xooggan uu dhacay kadib weerarka diyaaradda, taas oo muujineysa in waxyaabaha qarxa ay saarnaayeen gaariga.

Howlgalkaas wuxuu dhacay maalin ka hor markii ciidamada Mareykanku ay soo afjareen howlahoodii 20-ka sano qaatay iyo ka dib weerar ba'an oo ka dhacay bannaanka garoonka diyaaradaha halkaas oo dad aad u fara badan ay u carareen si ay uga cararaan xukun la wareegida Taalibaan.

Aimal Ahmadi oo deggan Kabul ayaa goor sii horreysay u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in weerarka Mareykanka uu ku dilay 10 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan gabadhiisa yar, abtiyaashiis, adeeryaashiisa iyo walaalkiis Ezmarai Ahmadi, oo waday gaariga la jiirsiiyay kadib markii uu dhigay.

New York Times, oo falanqeynaya muuqaalada kaamirooyinka amniga, ayaa sheegay in laga yaabo in milatariga Mareykanka ay arkeen Axmadi la dilay iyo saaxiibkiis oo ku shubaya caagado biyo ah madaxana ku sitay laptop.

Ezmarai Ahmadi ayaa la sheegay in uu ahaa Injineer koronto u ahaa hay'ad samafalka ee fadhigeedu yahay gobolka California una ololeeya Nafaqada iyo Waxbarashada Caalamiga. Sidoo kale wuxuu kamid ahaa kumanaan reer Afgaanistaan ​​ah oo codsaday dib-u-dejin Maraykanka, sida ay sheegeen qaraabadoodu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lufthansa oo joojisay 20,000 oo duullimaad colaadda Bariga Dhexe darteed

Madaxda shirkadda ayaa sheegay inay ku dadaalayaan sidii ay u ilaalin lahaayeen xasilloonida duullimaadyada caalamiga ah ee fogfog.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 01:47PM

Ruto oo cambaareeyay weerarada lagu qaadey Imaaraadka xili uu Abu Dhabi booqday

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin sarre oo ka tirsan madaxtooyada Imaaraadka iyo xubno ka tirsan dowladda Kenya.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 12:49PM