Kanaalka Donald Trump ee barta YouTube oo laga qaadey xayiraada

Image
Barta madaxwaynihii hore ee Mareykanka ayaa la xiray kadib weerarkii 6-dii Janaayo ee Aqalka Capitol-ka.

WASHINGTON, USA - Youtube-ka ayaa Jimcihii qaaday xayiraadii saarneyd akoonka Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, kaasoo la hakiyay labo sano ka hor ka dib weerarkii 6-dii Janaayo ee Aqalka Capitol-ka.

"Waxaan si taxadar leh u qiimeynay khatarta sii socota ee rabshadaha dhabta ah ee aduunka, anagoo isku dheellitirnay fursada codbixiyeyaashu inay si isku mid ah u maqlaan musharixiinta waaweyn ee qaranka inta lagu jiro doorashada," ayay shirkadda YouTube ku tiri bayaan.

War-saxaafadeedka oo nuqul kamid ah loo diray warbaahinta ayaa intaas ku daray: "Kanalkani wuxuu sii ahaan doonaa inuu u hoggaansamo siyaasadahayaga, sida kanaalka kale ee YouTube".

Youtube ayaa ka mid ahaa baraha bulshada ee hakiyay akoonnada Trump kadib rabshadihii dhimashada dhaliyey ee 6-dii Jannaayo 2021, iyaga oo sheegay in kanaalka Trump uu "ku xad-gudbay" siyaasadahooda.

Shirkadaha Facebook iyo Twitter ayaa horay u soo celiyay akoonnada madaxweynihii hore. Hase ahaatee, Twitter-ka ayaa soo celiyey ciwaanka Trump wallow Facebook ay sheegtey in ay ka baaraan-dageyso soo afjarida xayiraada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM