Kenya: 36 qof oo lagu diley weerar kale oo saaka ka dhacay Mandera

Image

December 2, 2014 (GO)- Ugu yaraan 36 qof ayaa lagu diley weerar goor oo hore oo saaka ah (Talaado) lagu qaaday goob dhagaxa laga jebiyo oo ku taalla duleedka magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Dabley hubeysan ayaa soo weerartay goobta kuwaasoo shaqaalihii halkaas ka hawlgelayey u kala qaybiyey Muslimiin iyo kuwo aan Muslim ahayn kadibna toogasho ku diley 36 qof oo ay xaqiiqsadeen inaysan Muslim ahayn.

Weerarkan ayaa imaanaya todobaad kadib markii meel 30km oo keliya u jirta goobta saaka 36da qof lagu diley uu ka dhacay weerar kale oo lagu laayey 28 qof oo gaari bas ah lagala degey una badnaa macalimiin iyo shaqaale caafimaad.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo weerarka saaka dhacay saraakiisha laamaha ammaanka iyo kuwa caafimaadka ee Kenyana weli wax war ah kama soo saarin.

Ammaanka dalka Kenya ayaa soo xumaanayey laga soo bilaabo bishii October sannadkii 2011, markaas oo cutubyo ka tirsan militeriga Kenya usoo tallaabeen dhinaca Soomaaliya. 

Kenya ayaa soo gelitaanka ciidankeeda ee Soomaaliya ku sababeysey inay tahay si ay ula dagaallamaan Al-shabaab, oo sida Kenya sheegtay khatar geliyey dhaqaalaheeda iyo weliba ammaanka muwaadiniinteeda. 

Al-shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarro qaarkood khasaare badan dhaliyeen oo horay dalkaas uga dhacay waxaana kamid ahaa labadii weerar lagu qaaday Westgate Mall iyo deegaanka Mpeketoni. Dad boqol kor u dhaafaya ayaa labadaas weerar ku geeriyoodey tiro intaas ka badanna dhaawac ayaa kasoo gaarey. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doorashada Israa’iil: Natiijo aan weli caddayn iyo loollan ku saabsan dhismaha dowladda

Benjamin Netanyahu oo hadda u muuqda in laga adkaaday wuxuu ra’iisul wasaaraha Israa’iil soo noqday muddo ku dhow 19 sano guud ahaan.

  • Caalamka

    28-10-2026

  • 05:02AM

Jay Clayton: Iran waxay diyaarisay qorshayaal ay ku beegsanayso ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe

Warbixintan ayaa imaanaysa iyadoo hore loo soo tebiyay tallaabooyin amni oo la xiriira joogitaanka Mareykanka ee gobolka.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:45AM