Kenya: qarax ka dhacay baar iyo saldhigga booliska Wajeer oo la weeraray

Image

December 2, 2014 (GO)- Hal qof ayaa ku dhintay afar kalena way ku dhaawacmeen qarax xalay fiidkii ka dhacay baar lagu caweyo oo ku yaalla bartamaha magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Qaraxa ayaa ka dhashay bam gacmeed laga soo tuuray bannaanka hore ee baarka xilli ay tobanaan qof goobtaas ku caweynayeen.

Saraakiil ka tirsan Laan-qeyrta Cas ee Kenya ayaa warbaahinta u xaqiijiyey khasaaraha uu qaraxaasi geystey iyagoo intaas raaciyey in laga cabsi qabo tirada dhimashadu inay kororto maadaama dhaawacyada qaar xaaladoodu halis tahay.

Dhanka kale dabley hubeysan ayaa isla xalay weerar ku qaaday saldhigga booliska ee degmada Wajeer.

Is rasaaseyn muddo kooban socotey ayaa dhex martay ciidamadii saldhiggaas ku sugnaa iyo weliba kooxdii weerarka soo qaadey.

Dableyda uma suuro gelin inay xaruntaas gudaha u galaan kadib iska caabin xooggan oo ay booliska kala kulmeen.

Mas'uuliyadda labadaas weerar weli cidi ma sheegan haseyeeshee waxaa loo badinayaa inay ka dambeyso kooxda Al-shabaab ee fadhigeedu yahay dalka Soomaaliya.

Goor hore oo saaka ahayd weerar ka dhacay duleedka magaalada Mandera ee isla gobolka Waqooyi Bari Kenya waxaa lagu diley 36 qof oo ka shaqeynayey goob dhagaxa dhismaha loo adeegsado laga jebiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan oo diyaarado dagaal u dirtay Saudi Arabia xili uu fashilmay Wadahadalka Islamabad

Falanqeeyayaasha amniga ayaa rumeysan in u dirista diyaaradahan aysan ahayn mid militari ahaan wax weyn ka beddelaysa awoodda difaaca.

  • Caalamka

    12-04-2026

  • 09:41AM

Mareykanka iyo Iiraan oo ku kala tagay wadahadalladii Islamabad

Madaxweyne ku-xigeenka J.D. Vance ayaa sheegay in Maraykanku uu si daacad…

  • Caalamka

    12-04-2026

  • 02:47AM