Khasaaraha geerida is-qarxinta masjidka Pakistan oo korortay

Image
In ka badan 150 ruux kale ayaa sidoo kale waxay ku dhaawacmeen weerarka dhiiga badan daadiyey.

ISLAMABAD, Pakistan - Tirada dhimashada weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Isniintii lagu qaaday masaajid ku yaal waqooyi-galbeed Pakistan ayaa gaartay ugu yaraan 87 qof, sidda ay xaqiijiyeen illo caafimaad.

In ka badan 150 ruux kale ayaa ku dhaawacmay weerarka oo ka dhacay bartamaha magaalada Peshawar ee caasimadda gobolka Khyber Pakhtunkhwa.

Samatabbixiyeyaasha ayaa weli dhibbanayaasha ka soo saarayay dhismaha burburka Talaadadii. Qaraxa ayaa ahaa mid aad u xoogan oo saqafka sare ee dhismaha uu soo dumay.

Dadka la laayay ayaa u badnaa ciidamada booliiska gobolka, iyadoo masaajidka ay ku badan yihiin saraakiisha ammaanka iyo kuwa dowladda. Weerarka ayaa dhacay xilli lagu jiray salaadda duhur ee Isniintii.

Saraakiisha booliiska ayaan si degdeg ah uga hadlin qaabka uu u dhacay weerarka, iyagoo sheegay in baaritaan uu socdo. Kooxda Taalibaan garabkeeda dalka Pakistan ayaa sheegatay weerarkan.

Ra'iisul Wasaare Shahbaz Sharif "wuxuu cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee masaajidka" ee Peshawar, sidda laga soo xigtey war-saxaaafdeed kasoo baxay xafiiskiisa.

Raiisel wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa sidoo kale wuxuu cambaareeyay qaraxa, isagoo ku tilmaamay "weerar karaahiyo ah" sidda uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Pakistan ayaa xuduud la leh Afgaanistaan, waxaana sohdinta ku soo noqnoqday bilihii la soo dhaafay weeraro. Inta badan falalkaas waxaa sheegtay kooxda Tehrik-i-Taliban Pakistan, oo loo yaqaan Taliban Pakistan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM