Khasaaraha geerida is-qarxinta masjidka Pakistan oo korortay

Image
In ka badan 150 ruux kale ayaa sidoo kale waxay ku dhaawacmeen weerarka dhiiga badan daadiyey.

ISLAMABAD, Pakistan - Tirada dhimashada weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Isniintii lagu qaaday masaajid ku yaal waqooyi-galbeed Pakistan ayaa gaartay ugu yaraan 87 qof, sidda ay xaqiijiyeen illo caafimaad.

In ka badan 150 ruux kale ayaa ku dhaawacmay weerarka oo ka dhacay bartamaha magaalada Peshawar ee caasimadda gobolka Khyber Pakhtunkhwa.

Samatabbixiyeyaasha ayaa weli dhibbanayaasha ka soo saarayay dhismaha burburka Talaadadii. Qaraxa ayaa ahaa mid aad u xoogan oo saqafka sare ee dhismaha uu soo dumay.

Dadka la laayay ayaa u badnaa ciidamada booliiska gobolka, iyadoo masaajidka ay ku badan yihiin saraakiisha ammaanka iyo kuwa dowladda. Weerarka ayaa dhacay xilli lagu jiray salaadda duhur ee Isniintii.

Saraakiisha booliiska ayaan si degdeg ah uga hadlin qaabka uu u dhacay weerarka, iyagoo sheegay in baaritaan uu socdo. Kooxda Taalibaan garabkeeda dalka Pakistan ayaa sheegatay weerarkan.

Ra'iisul Wasaare Shahbaz Sharif "wuxuu cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee masaajidka" ee Peshawar, sidda laga soo xigtey war-saxaaafdeed kasoo baxay xafiiskiisa.

Raiisel wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa sidoo kale wuxuu cambaareeyay qaraxa, isagoo ku tilmaamay "weerar karaahiyo ah" sidda uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Pakistan ayaa xuduud la leh Afgaanistaan, waxaana sohdinta ku soo noqnoqday bilihii la soo dhaafay weeraro. Inta badan falalkaas waxaa sheegtay kooxda Tehrik-i-Taliban Pakistan, oo loo yaqaan Taliban Pakistan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM