Khasaaraha ka dhashay dhulgariirkii Morocco oo kordhay

Image

MARRAKESH, Morocco - Dhulgariir xooggan oo dhif iyo naadir ah ayaa ku dhuftay Morocco, habeenkii Jimcaha ilaa Sabtidii, kaas oo ay ku dhinteen boqolaal qof, waxaana ku burburay dhismayaal ku kala yaala “tuulooyinka buuraha Atlas” ilaa magaalada taariikhiga ah ee Marrakesh.

632 qof ayaa ku dintay, halka 329 ay ku dhaawacmeen, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Morocco.

Waxayna wasaaraddu bayaan ay soo saartay ku sheegtay Sabtidii, "Ilaa todobadii subaxnimo, 632 dhimasho iyo 329 dhaawac ah ayaa la diiwaangeliyey, oo ay ka mid yihihiin 51 dhaawac halis ah."

Xudunta dhulgariirku waxay ku taallaa gobolka, “Al Haouz” ee koonfur-galbeed ee magaalada Marrakesh.

Telefishinada dalka Morocco ayaa sidoo kale soo bandhigay muuqaalo laga soo duubay dhulgariirka kadib, iyada oo qaar badan oo shacabka ka mid ah ay dibada isagu soo baxeen, iyaga oo ka cabsi qaba in dhulgariir kale dhaco.

Qoysas ka welwelsan qasaaraha la dhashay dhulgariirka ayaa lagu arkyay waddooyinka Magaalooyinka uu ka dhacay dhulgariirka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM