Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay afaafka hore ee maxkamad

Image
Ciidamada booliska iyo kooxaha gurmadka ayaa tagay goobta ay wax ka dhaceen, waxaana socda baaritaan.

ANKARA, Turkey - Dhowr qof ayaa ku dhaawacantay kadib markii uu qarax ka dhacay dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah ee ku taal caasimadda Montenegro ee Podgorica Jimcihii, sida uu sheegay Raadiyaha iyo Telefishinka dowladda.

Booliska ayaa sheegay in wararkii ugu horeeyay ay sheegayaan in qof uu bamka ku qarxiyay afaafka hore ee maxkamada markii dad badan ay ku sugnaayeen, waxaana loo maleynayaa in uu ahaa weerar ismiidaamin ah.

Ninka weerarka geystay ayaa lagu magacaabi jiray M.B oo 39 jir ahaa, kaasi oo dhintay kadib markii uu bam gacmeed ku qarxiyay afaafka hore ee Maxkamadda, sida ay sheegeen Booliska.

"Saacadda markay ahayd 11:35 waxa na soo gaadhay ogeysiis ah in walxaha qarxa lagu soo rakibay dhismaha Maxkamadda iyo in ay jiraan dhaawacyo," ayaa lagu yiri qoraalka.

Srda Korac, oo ah sarkaal ka tirsan booliiska ayaa intaas ku dartey: "Waxa aanu haynaa shan qof oo kale oo dhaawac ah kuwaas oo lagu daweynayo Xarunta Caafimaadka".

Ciidamada booliska iyo kooxaha gurmadka ayaa tagay goobta ay wax ka dhaceen, waxaana socda baaritaan. Illlaa haatan, ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyadda falkan.

Xiliga uu qaraxu dhacayay ayaa waxaa maxkamada ku sugnaa dadweyne aad u fara badan, sida uu sheegay Raadiyaha RTCG. Hase ahaatee, lama kala caddeyn waxay sugayeen shacabkaas iyo haddii dowladda ay ka war haysay khatartaas ammaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM

Trump oo warbaahinta u jeestay xilli ay isa soo tarayaan caqabadaha ka haysta siyaasada iyo sharciga

CNN waxay tallaabada ku tilmaantay weerar sharci-darro ah oo lagu qaaday xorriyadda…

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 03:13AM