Khatar ka dhalan karta kiiska Ikraan Tahliil oo laga digay

Image
Beesha Caalamka oo walaac ka muujisay xaalada ka dhalatay qadiyadan ayaa dalbatay in si daahfuran loo baaro.

MUQDISHO, Soomaaliya – Iyadda oo doorashooyin loo diyaar-garoobayo, qalalaase siyaasadeed ayaa kasoo if-baxay Muqdisho kaasoo xudun u ah kiiska Ikraan Tahliil Faarax, haweenay ka tirsaneyd hay’ada sirdoonka oo la waayey in ka badan laba bilood kahor.

Kala qeybsanaanta ka dhalatay dhacdadan ayaa kusii fiday hay’adaha dowladda. Madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble way ku kala aragti-duwan yihiin qaabka loo maareynayo cadaalada gal-dacwadeedkan.

Taliyeyaasha ciidamadda ayaa inta illaa haatan la og-yahay waxay la kala safan yihiin labadda dhinac. Farmaajo wuxuu waqti badan ku luminayaa sidii uu u naqdin lahaa talaabo kasta oo uu qaado wasiirka koowaad oo isagu ku wareejiyay maamulka doorashada.

Rooble ayaa ku adkeysanaya in muhiim ay tahay in uu gacan ku maamulo doorashadda gacanta kalana uu kaga shaqeeyo maxkamadeynta shaqsiyaadka lagu tuhmayo kiiska.

Hay’ada sirdoonka ayaa sheegtay in Ikraan ay afduubatay kadibna dishay Al-Shabaab. Balse, qoyskeedu kuma qancin sheegashadaas. Xiisada waxaa holac kusii shiday markii kooxda argagixisada ay iska fogeysay eedeynta kaga timid waaxda mukhaabaraadka.

Is-qabqabsigan ayaa laga cabsi qabaa in ay ka faa’iideysato kooxda. Sidoo kale, waxaa soo xoogeysanaya digniinaha ku saabsan in kala qeybsanaanta ay kusii baahdo dhanka ciidamadda.

Tani waxay horseedi kartaa in mar kale Muqdisho noqoto masrax ay awoodooda kusoo bandhigaan ciidamo iska soo horjeeda.

"Bishii April waxaanu aragnay sida deg-deg ah ee Muqdisho ku noqon karta fagaare ay ku loolamaan ciidamo iska soo horjeeda sababo ku aadan khilaaf siyaasadeed," ayuu yiri Cumar Mahmood, oo ka tirsan hay’adda International Crisis Group.

Wuxuu hadaliisa ku daray: "In xaaladaas ay soo laabato waxay ku xirnaan doontaa sidda dhacdooyinka isku soo taraan".

Beesha Caalamka oo walaac ka muujisay xaalada ka dhalatay kiiska Ikraan ayaa cod dheer uga dalbatay hogaanka Soomaalida in ay qaboojiyaan xasarada cadaaladna u goobaan haweenayda.

Tan iyo markii Muqdisho laga saarey Al-Shabaab iyadoo la kaashanayo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo ka kooban 20-kun askari, caasimada ayaa ku naalooneysay xasilooni caga badan ku taagneyn waxayse hadda u muuqataa mid haatan foolaneysa colaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Yahuuda oo duqeyn cusub ku laysay tobanaan qof Falastiini ah

Xiisad ayaa ka taagneyd guud ahaan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaan.

  • Caalamka

    18-05-2024

  • 03:26AM

Ra'iisul Wasaaraha Slovakia oo lala beegsaday isku-day khaarijin ah

Robert Fico oo xukunka kusoo laabtey sanadkii hore ayaa u jaranjeera dhanka Ruushka.

  • Caalamka

    16-05-2024

  • 03:40AM