Khilaaf sababay in la mideeyo Shirka wadamada Carabta iyo kan Isbaheysiga Islaamka

Image

RIYADH (GO) - Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga, ayaa Fiidnimadii Jimcaha ku dhawaaqday in la mideeyay shir-madaxeedka degdega ah ee Islaamka iyo kan Jaamacadda Carabta, si ay hal shir u yeeshaan maanta oo Sabti ah.

Kalabar wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka xubnaha ka ah ururka iskaashiga Islaamka ayaa dalbaday in la isku daro labada shir madaxeed, Sacuudiguna wuu aqbalay arrintaas. Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo la hadlay “Al-Caraby Al-Jadiid”.

Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in sababta shir madaxeedkan la isku daray ay tahay in la isku afgaran waayay go’aanno muhiim ah oo ka dhan ah Israa’iil.

Wadamo ka tirsan Jaamacadda Carabta ayaa la warinaya in ay diideen go’aamo wax ku ool leh oo ka dhan ah duulaanka Israa’iil, iyaga oo ka door biday qodobo aan dhaafsiisnayn cambaareyn.

Arrintan ayaa loo arkaa mid ka hor imanaysa codsigii Madaxweynaha Falastiiniyiinta oo ku adkaystay in shir madaxeedka degdega ah ee Carbeed uu noqdo mid ka madax banaan kan wadamada Islaamka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM