Kiiska ay ka siman yihiin ra'iisul wasaaraha cusub ee UK iyo Obama

Image
Xilli uu yahay 42 jir ah, sidoo kale waa qofkii ugu da'da yaraa ee qabta xafiiska in ka badan muddo 200 oo sano.

LONDON, United Kingdom - Rishi Sunak, oo ah nin asal ahaan ka soo jeeda Kenya, ayaa wuxuu noqonaya qofkii ugu horreeyay ee Hinduuga ah iyo qofkii ugu horreeyay ee midabkaas leh ee noqda Ra'iisul Wasaaraha Britain.

Xilli uu yahay 42 jir ah, sidoo kale waa qofkii ugu da'da yaraa ee qabta xafiiska in ka badan muddo 200 oo sano. Natiijadii tartankii Isniinta ayaa si cajiib ah u badashay siyaasadda Ingiriiska.

Sunak ayaa markii ugu horreysay loo doortay xildhibaan sannadkii 2015 wuxuuna ku qaatay laba sano kursiga dambe, xilligaas oo Brexit uu xukumayay ajandaha siyaasadeed. Sunak ayaa taageeray ka bixitaanka Midowga Yurub inta lagu guda jiro aftida 2016.

Ka dib waxa uu noqday caawiye wasiir oo ka tirsan xukuumadda Theresa May. Waxay ahayd Boris Johnson kan siiyay Sunak doorkiisii ​​​​ugu horreeyay ee dawladeed markii ugu horreysay ee uu u magacaabay Xoghayaha Guud ee Maaliyadda 2019, iyo jagada Chancellor-ka ee 2020.

Sunak wuxuu ku guuleystay caannimada toddobaadyadii hore ee masiibada markii uu daaha ka qaaday qorshe taageero oo ballaaran oo loogu talagalay kuwa aan awoodin inay shaqeeyaan inta lagu jiro xannibaadda Covid-19.

Sunak, Xoghayihii hore ee Hanti-dhowrka, waa xirfadle ganacsi iyo maaliyadeed kaasoo bilaabay xirfadiisa siyaasadeed ka dib markii loo doortay xildhibaan Conservative ee Richmond 2015.

Aabihii - Yashvir Sunak - wuxuu ku dhashay Kenya gumeysiga ka hor, halka hooyadiis Usha Sunak ay ku dhalatay Tanzania. Labaduba waa Hindu Punjabis waalidkoodna waxay ka soo haajireen Hindiya una guureen Kenya iyo Tanzania siday u kala horreeyaan.

1960-meeyadii, qoysaskii waalidkii waxay si gooni ah ugu guureen Southampton, Boqortooyada Ingiriiska, hooyadiis iyo aabihiis ayaa markii dambe is guursaday.

Intaa ka dib, Sunak - oo ah kan ugu weyn labadiisa walaalo ah - wuxuu ku dhashay May 12, 1980 Isbitaalka Guud ee Southampton, sidda ku xusan sooyaalkiisa taariikheed.

Hagaag, kiiska Sunak wuxuu ku dhow yahay inuu la mid yahay madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama, kaasoo ah muwaadin Mareykan ah laakiin asalkiisu Kenya yahay maadaama aabihiis uu ku dhashay degmada Homa Bay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

UK oo markii ugu horreysay hirgelisay masaafurinta muhaajiriinta sharci darrada ah

Dowlada Ingiriiska ayaa ku tala jirta in ay sii ballaariso masaafurintan bisha July ee sanadkan.

  • Caalamka

    01-05-2024

  • 08:09AM

Sacuudi Carabiya iyo Israa’iil oo ku dhow inay gaaraan heshiis

Dawladaha carabta ayaa riixaya in la dhiso dowlad Falastiin taa beddelkeedana ay aqoonsan doonaan Israa’iil.

  • Caalamka

    30-04-2024

  • 06:45AM