Kiiskii ugu horreeyey cudurka Ebola oo lagu arkay dalka Britain

Image

December 30, 2014 (GO)- Dowlada Britain ayaa xaqiijisey in kiiskii ugu horreeyey ee ah qof qaba cudurka Ebola lagu arkay shalay oo Isniin ahayd magaalada Glasgow ee gobolka Scotland.

Qofka bukaanka ah oo magaciisa la qariyey waa haweeney kaalkaaliso ah taasoo kasoo safartay galbeedka Afrika gaar ahaan magaalada Kerry ee dalka Sierra Leone.

Xoghayaha caafimaadka Britain Jeremy Hunt ayaa sheegtay in la karantiilay haweeneydaas lana baadi goobayo dhammaan dadkii ay xiriirka la samaysay gaar ahaan kuwii diyaarada kula soo safray.

Laga soo bilaabo bishii March ee sanadkan 2014, waxaa cudurka Ebola u geeriyoodey in ka badan 6,000 oo qof, dadkaasoo badankoodu ku dhintay dalalka Liberia, Sierra Leone iyo Guinea. Dalalka kale ee fayruska Ebola gaarey dadkana ku diley waxaa kamid ah Nigeria,Maraykanka. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

NASA: Afar Cirbixiyeen Oo Si Nabad Ah Uga Soo Laabtay Safar Ay Ku Tageen Dayaxa

Howlgalka Artemis II wuxuu jebiyey rikoor hore oo masaafo ah, isagoo ka fogaadey…

  • Caalamka

    11-04-2026

  • 02:17AM

Trump oo dalbaday in la yareeyo duqeymaha Lubnaan, xilli wadahadallo la filayo

Trump ayaa hadalkan sheegay Khamiistii, xilli uu wareysi kooban siiyey NBC News, isagoo…

  • Caalamka

    09-04-2026

  • 09:12PM