Kim oo shaaciyey hiigsi milatariga Kuuriyada Waqooyi ee 2023

Image
Hogaamiyahan 38-sano jirkan ayaa yoolka dalkiisa ciwaanka uga dhigay "halganka cadawga-diidka".

PYONGYANG, Kuuriyada Waqooyi - Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa daaha ka rogay yoolal cusub oo uu u hiigsanayo militariga dalkiisa. Qorsheyaashan ayuu kusoo bandhigay maalintii labaad ee shirka xisbiga shaqaalaha ee haya talada dalkaasi.

Kim ayaa ugu horeyn waxa uu dib u eegay "xaalad cusub ee laga abuuray" Jasiiradda Kuuriya iyo muuqaallada siyaasadeed ee ballaaran, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka dowladda ee KCNA.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Kim oo 38-sano jir ah ayaa hamiga dalkiisa ee 2023-ka waxa uu ciwaan uga dhigay jihada "halganka cadawga-diidka," sidda ay warisay KCNA.

"Wuxuu qeexay mabaadi'da arrimaha dibadda iyo jihaynta halganka lagula jiro cadowga in ay tahay in xisbigeena iyo xukuumaddeenna ay si wanaagsan u hoggaansamaan si loo ilaaliyo xuquuqda madaxbannaanida iyo difaaca danaha qaranka," ayay ku dartey KCNA.

Qormadda ayaa raacisay: "Hadafyada asaasiga ah ee cusub ee xoojinta awoodaha is-difaaca si adag loo daba galo 2023 ayaa la soo bandhigay si loogu diyaar garoobo isbeddellada kala duwan ee xaaladda siyaasadeed".

KCNA ma aysan bixin faahfaahin ku saabsan yoolalka is-difaaca balse hadalka Kim ayaa muujinaya in laga yaabo inuu sii wado dardargelinta iyo ballaarinta awoodda militari ee dalka.

Shirkaan heerka sare ah ee ay martigelisay caasimadda Pyongyang ayaa imaanaya iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisada ka taagan gacanka Kuuriya kadib markii Kuuriyadda Waqooyi ay sanadkan 2022 tijaabisay hub aan horay loo arag.

Sidoo kale, waxaa gobolka sanadkan hareeyay dhoolatus milatari oo aad u balaaran oo dhex maray ciidamada Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka, iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kuuriyada Waqooyi oo u gudbay dhanka Koonfurta.

Kuuriyada Koonfureed ayaa Isniintii waxay ay ku dhawaaqdey in Seoul ay la dagaalameyso diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kuuriyadda Waqooyi kuwaasoo ay sheegtay in ay u soo talaabeen dalkaas ogeysiis la'aan ayna dhowr xabo soo riday kadib "howlgal guuleystay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khasaaro ka dhashay duqeyn ay Yahuuda ka geysatay Bariga Lubnaan

Yahuuda ayaa horey weerartey koonfurta Lubnaan kaasoo ay ku dishay afar xubnood oo hal qoys ah.

  • Caalamka

    06-05-2024

  • 04:17AM

Kaalintii dhexdhexaadinta dowladda Qadar oo darbi ka laad-laada

Yahuuda ayaa miiska soo saartey in kooxda iska-caabinta Falastiiniyiinta ay ka guuraan Dooxa.

  • Caalamka

    05-05-2024

  • 08:49AM